Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada Itooboya H:E Dr Werkena ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Saca Cali Shire oo Safar hadda ku jooga Wadanka Itoobiya in Xukuumada Dawlad Itoobiya ay Jamhuuriyadda Somaliland ku caawinayso Raashin dhan 3000 Ton si loo siiyo Dadka ay abaaruhu Saameeyeen ee Jamhuuriyadda Somaliland.
sidaana waxa Xaqiijiyey Safiir Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya Amb Ayanle Salad Deria Safiir ku xigeena ayaa u mahadnaqay Dawlad Itoobiya ee Sida walaalnimada leh ee ay ugu deeqeen Caawimada wax ku oolka ah.
Warqabadka ToggaHerer