Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland oo Ku Dhawaaqday Go’aan Lagu Mamnuucayo Joojinta Isticmaalka Iyo ku Safarka Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu Sameeyo Gudaha Somaliland.

Hargaysa( ToggaHerer)- Shir Ay saaka iskugu yimaadeen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, oo ay wehelinayaan Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guudo Cabdillaahi Fadal Iimaan, iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin ayaa dalka lagaga mabnuucay Guud Ahaanba in lagu joojiyey Isticmaalka Iyo ku Safrida Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu Sameeyo Gudaha Somaliland.

Shirkan oo maanta oo ay taariikhdu tahay 29/01/2017 ka qabsoomay xafiiska wasiirka Arrimaha gudaha ayaa lagu cusboonaysiiyey qaraar hore uga soo baxay wasaarada arrimaha gudaha oo mabnuucayey qaadashada iyo isticmaalka baasaboorka lagu sameeyo ama laga soo saaray goob kamida gudaha dalka Somaliland.

Go’aamada Wasiiradu isla qaateen waa sidan hoos ku qoran:

1-In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada , istimaalka iyo ku safarka baasaboorka soomaliya ee kazoo baxay ama ku qorantahay in lagu sameeyey goob kamida dhulweynaha jamhuuriyada Somaliland laga bilaabo January 2017.

2- Dhamaan Shirkadaha safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh baasaboorka kor ku sheegan ee la mamnuucay Isticmaalkiisa.

3- Dhamaan laamaha Socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa in aan baasaboorkan dalka lagu soo gali Karin lagagana bixi Karin.


Advertisement

Ku Xayeysiiso