BAL AMUURTAN EEGA: HOTEL WOMENS JIRDE CLUB:
Anigoo murugaysan ayaan waxoogaa is-hor-taagay HOTEL WOMEN’s JIRDE CLUB, markaasaan hoos isu waraystay, oo aan is- idhi, war heedhe- ma adigaa waalan? Ma dadkaan damiir lahayn,? Mise Cadan baaba laga heesayoo, WAA ISKA CAADI!. Dabadeedna, waxaa igu soo dhacay, gabayo hore loo tiriyay oo ilaa maanta dareenkoodii taagan yahay, oo kala ah:
Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin), wuxuu tiriyay waxyar ka hor, doorashaddii 1964
· Denbi kuma hadlaayee, ma arag dawladdaan rabaye
· Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye,
· Dusha midabka Soomaali baad, dugulka moodaaye
· Misna laguma diirsade qalbigu, waa dirkii Karale (Badhasaabkii Ingiriiska)
· Meeshaan dad aan urursho iyo dirir ka eegaayay
· Iyaba waa darxumo ii hadhaye, dacar miyaan leefay
· Ummaddii daryeel ma helin, daacadda ahayd
· Siddii baa Ducaaloow, biyaha loo daweriyaaye
· Siddii bay dushaa ugu sitaan, dumar caruurtiiye
· Siddiibaa duddada aar dhiciyo, dacaw u joogaaye (Mid afka kaaga booda)
Cumar Maxamed Warsame (Xiin-waal), wuxuu tiriyay waxyar ka hor, doorashaddii 1968
· Siddii bay qabiiladdu, carradan qiimo leedahaye
· Siddii buu nin qalab (COD) doonayaa, noo qarribayaaye (Qoloqolo noo kala saarayaa),
· Siddiibuu u qaataa shacbigu, caddihii quudheede (Waxoogaa lacag ah ama jago)
· Qaw baan dul naalaa, qabarna hoos yaale
· Qawl dibad ka yimaa, siddii loo qadariyaaye (BEESHA CAALAMKA, UN, FFF).