Adam Al-Hawash Waa Sacuudiyaan ku jira Da`da Meel Dhexaadka ah 700 jeer ayaanu wareegay Kabcada intii lagu guda jiray Xajka sanadkan, laakiin ma uusan Xajin.
“Waxaan kireeyaa kursi curyaan Dadka Xajaya waxaanan toddoba jeer ku wareejiyaa Kacbada, taasina waa sida aan u noolahay,” ayuu yidh.
Waxa uu sheegay in uu shaqeeyo kuwa Gaboobay ,Naafada iyo curyaamiinta ah si uu ugu sameeyo tawaaf si uusan u waqti uga lumin inta uu ka fekero xajinta naftiisa.
Hawash waxa uu sheegay inuusan haysan dhaqaale wanaagsan oo ku gudan karo tiirka shanaad ee Islaamka se uu shaqeeyo si uu qoyskiisa u dabaro noloshooda.
Waxa uu sheegay in uu hawshan billaabay dhowr sano ka hor markii ay Hooyadii Kula talisay hooyadii oo madaxeeda mar kasta oo uu ka baxo gurigiisa soo dhunkado.
“Waxaan Dhabarkayga ku xidhxidhaa maro si aan u yareeyo xanuunka dhabarka, Cagahana Waxaan ku Xidhaa Sharabaado culus si aan uga fogaado Caga Xanuun” ayuu yidhi.
Hawash waxa uu sheegay in uu Dawaafsiiyey Kacbada in ka badan 100 qof oo xujay ah kana qaaday Ruuxiiba lacag u dhaxaysa 350 illaa 500 Riyaal .
“Tani waa shaqo adag laakiin waxa aan ka helaa lacag fiican oo aan ku dabari karo qoyskeyga oo aan badbaadiyo mustaqbalkooda,” ayuu raaciyey.
Hawash waxa uu sheegay in shaqadiisa ay tahay mid aad u xaami ah xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan iyo xajka oo ay yimaadaan Dadka ugu Badani .
Waxa kale oo uu sheegay in uu macaamiishiisa baro Ducada ugu fiican (baryada Alle) si waafaqsan Sunnada Nabiga Calayhi Salaam.
“Gaadhi curyaanku waxay u baahan yihiin xeelad aqoon wadata oo saacado badan ah iyo qaybinta isu-dheellitirka awoodda si looga fogaado daal,” ayuu yidhi.
Hawash mar uu ka hadlay waxa uu cuno wuxuu yidhi “waxaan cunaa Timir iyo Muus si uu ii siiyo tamar ta aan uga baahanahay shaqadayda“.ayuu ku soo Gabagabeeyey Hadalkiisa.
Warqabadka ToggaHerer