Dowladda Spain ayaa qaban doonta shir deg-deg ah si looga wada hadlo go’aanka baarlamaanka maxalliga ah Catalonia ee ansixiyey in la qabato afti ku saabsan xorriyad in ay ka qaataan dhulka Spain.
Xukuumadda Isbaanishka ayaa la filayaa inay Maxkamadda Dastuuriga ka codsato in ay qaaddo tallaabo degdeg ah si looga hortago in aftida la qabto horraantii Oktoobar.
Ra’iisul-wasaaraha Mariano Rajoy ayaa qorshaynaya inuu kala hadlo arintan hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Aqlabiyadda baarlamaanka maxaliga ah ee Catalonia ayaa ogolaaday sharciga aftida fadhi socday Saacado Badan Habeenkii Xalay.
Warqabadka ToggaHerer