Booliska Caalamiga ah (Interpol) ayaa magaciisa ka saaray kana tirtiray Gudoomiyaha Culimada Muslimiinta adduunka Dr. Yusuf al-Qardaawi liiska kuwa la doon doonayo sidoo kalena ay cadaatay dacwada lagu eedeeyay ay tahay Been abuur lagu sameeyey.
Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Carabta Fadhigiisuna yahay Britain ayaa xaqiijisay in Interpol ka saaratay magaca al-Qardaawi liiska doonayo kadib markii Ururka Booliska Caalamiga ah sameeyay baadhitaan iyo dabagal wixii ka dhacaya Masar.
Qoraal La Soo Saaray lana faafiyey ayaa lagu sheegay in dhammaan magacyada lagu soo daray liiska la doon doonayo codsi ka yimid madaxda dalka Masar dhamaan la baabiiyey faylashooda ka dib markii la ogaaday in ay yihiin oo kaliya arrimo siyaasadeed oo xuddun ay u tahay Maamulka ay Mucaaridka ku yihiin.
Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Carabta ayaa intaa raaciyay in Interpol ku daabacday magaca Al-Qaradawi Bogooda Eedeeymo sida boob, gubid, dil dhammaan eedeeymaha loo soo jeediyayna waa laga been abuuray sababtoo ah waxay ka dhaceen Masar isaga oo aan joogin iyo sidoo kale aan macquul ahayn kuna haboonayn Cumrigiisa iyo taariikhdiisa.
Dhiniciisa Gudoomiyaha Hay`adaha Xuquuqda Aadanaha ee Carabta Maxamed Jamaal ayaa ka mahad celiyay horumarkan isagoo intaa ku daray in go’aanka INTERPOL ee ah in laga tirtiro magaca al-Qaradawi iyo magacyo kale waa guuldarro xukuumadda Masar.
Warqabadka ToggaHerer