Shiinaha oo sheegay in aysan u ogolaan doonin dagaal ka qarxa Jasiiradda Kuuriyada ayna tahay dhibaatooyinka hadda jira in si nabad ah loo xalliyo ugana baaqayaan Washington iyo Seoul in ay ka fogaadaan wixii xaaladda wax ku kordhinaya .
“Dhibaatada ka jirta Jasiiradda Kuuriya waa in lagu xaliyo si nabadgelyo ah,” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa ka hadlay ansixinta go’aankii cusbaa ee Xalay ay soo saareen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “Shiinuhu marnaba ma oggolaan doono dagaal ka dhaca Gacanka Kuuriya iyo fawdo Dhacda. ”
Waxaanu Qoraalka intaa Ku Daray “Shiinuhu wuxuu rajeynayaa in qodobka 2375 in si buuxda oo dhammeystiran loo fulin doono” .
Geesta kale Shiinuhu wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo in la geeyo Sawaariikhda difaaca ee Maraykanka , Koonfurta Kuuriya sababtoo ah waxay si weyn u waxyeeleynaysaa ammaanka Shiinaha iyo amniga istiraatiijiga ah ee gobolka.”
Warqabadka ToggaHerer