Wasiirka Cadaaladda Israel Aylet Shaked ayaa sheegtay in Israel ay diyaar u tahay inay samayso waxa kasta oo ay tahay inay ka sameyso Suuriya waxayna shaaca ka qaaddey waxa ay yahay in uu Sameeyo Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad si u noolaado.
Wasiirka ayaa wareysi ay siiyay Wargeys in Maslaxada madaxweynaha dalka Suuriya cad yahay haddii uu doonayo inuu sii noolaado waana in uu Iran u Sheego in ay dibedda ka ahaato Suuriya.
“Israel waxay Cadaadis ku Saaraysaa Caalamka inay ka joojiso Iran inay xoojiso joogitaankooda militari ee Suuriya, haddii Caalamku aanay ka jawaabin waa in Yuhuuddu ay sameeyaan waxa ay tahay inay sameeyaan,” ayay tidhi.
Wasiirada waxay u soo jeedisay dhammaan Dhinacyada taageera Iran ee ku yaal gobolka ugana digtay cawaaqibka ka iman kara isku dayga in la dhiso biriij Isku Xidha Shiicada Tehran ilaa xuduudka Suuriya iyo Israel.”
Warqabadka ToggaHerer