Mas’uuliyiinta Ingiriiska ayaa xidhay nin 18 jir ah magaalada xeebta ee Dover ee koonfur bari ee England isagoo looga shakisan yahay falalkii argagixisanimo oo lala xidhiidhiyay qarxinta Tareenka London.
Bilayska degaanka Kent ayaa xidhay tuhmaniha oo joogay deegaanka dekedda Dover waxaana hadda lagu hayaa saldhig booliis oo maxalli ah.
Bilayska ayaa sheegay in ay la hadashay 45 qof oo markhaati ah ayna heshay 77 sawir iyo cajalad fiidiyoow ah Dhacdada.
Jimcihii, 30 qof ayaa ku dhaawacmay markii bam gacmeed Samays maxali ah lagu qarxiyay tareen Gudihiisa galbeedka caasimadda.
Dadka Dhaawacmay ayaa dhaawacyo yaryar soo gaadheen isla markii la daweeyeyna ka baxay cisbitaallada marka laga reebo saddex qof oo weli ku jira Cusbitaal, sida ay sheegeen Hay`adda Gurmadka Degdeg.
Kooxda isku magacwada Dawlada Islaamiga ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax bamkii 8:20 subaxnimadii Jimcaha waqtiga London.
Warqabadka ToggaHerer