Sida ay Warisay Wargeyska New York Daily News ayaa sheegay in bilayska Mareykanka uu xidhay nin ku sugan New York ka dib markii uu weerar ku qaaday laba haweena saldhiga tareenka ee Queens Maalintii Arbacadii (Sebteembar 13-keedii).
Ninkan ayaa ahaa 40-sano jir Magaciisuna yahay Dimitrius Zias ayaa sakhraansanaa, kadibna wuxuu raacay laba haween ah, markii ay fuulayeen jaranjarada tareenka, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin “Muslin XunXun”, wuxuuna sheegay in ay tahay in ay ka baxaan dalka, Labada Dumar ah ayaa midkood ahayd Hooyo, 57 jir Halka Gabadha kalena ahayd 37 jir Markii ay ku jeesteena ninka Ayaa gacanta u qaaday.
Sida laga soo xigtay wargeyska, Sarkhaanka ayaa sheegay mar dambe in uu khaldanaa isaga oo sheeay inuu bartilmaameedsaday labo dumar oo Yuhuud ah.
Inanta ayaa tilmaantay in ninku u maleeyay in ay u badan yihiin Muslim sababtoo ah hooyadu waxa u daboolnaa madaxa. Waxayna sheegtay in aysan waligeed fileyn in taasi ay ka dhacdo gobolka.
Zias waxaa loo taxaabay xabsi isagoo xaq u leh in lagu sii daayo dammaanad $ 50,000,se hore ayuu ka bixiyay dammaanadii waanu ka baxay xabsigii waxaana uu hadda ku eedeysan yahay Eeda ah Nacayb iyo Karaahiyo.
Warqbadka ToggaHerer