Turkiga oo Qabqabtay 74 xubnood oo looga shakisan yahay “Daacish”

Ciidamada amniga ee Turkiga ayaa xidhay 74 tuhmane oo ka tirsan ururka Daacish,  dhammaan dadka la qabqabtay ayaa ah ajaanib marka laga reebo muwaadin Turkish ah, intii lagu jiray olole ballaadhan oo lagu qabqabanay Dadkan Saaka Subaxii Magaalada  Istanbul.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa ka soo xigatay illo ammaan   in kooxaha la-dagaallanka argagixisada  ee Hay’adda amniga ee Istanbul ay 15 Goobood oo ka tirsan siddeed xaafadood oo ka tirsan magaalada ka  fuliyeen hawlgalkan  .

Ciidamada amaanka Ayaa ka soo Qabqabtay 74 eedeysane oo ka tirsan ururka, iyaga oo sheegay in 73 ka mid ah haystaan jinsiyado kala duwan.

Dadka la xidhay ayaa loo Gudbiyey Hay`adaha ku Shaqada leh  si ay ula socdaan dacwadooda  dib na loogu celiyo dalalkooda sida la sheegay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso