Gudaha Ka Eeg :

Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi Diray .

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abokor Xaaji Axmed (Dabagaale) oo ku geeriyooday magaalada Shefield ee dalka Ingiriiska maanta oo taariikhdu tahay 16/09/2017.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, kana mid ahaa dadkii u soo halgamay dalka, door muuqdana ka ciyaaray dib u dhiska, nabada, xasiloonida iyo dhismaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka  bu h siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso