Sawiro: Miinooyin ay Dhigeen Xuutigu oo laga Soo Saaray Xeebta Midi

Ciidamada Yemen ee ku sugan Saldhiga 5aad ee xeebta ayaa Axaddii burburiyay shabakad Miinada Badda ah la dhigay xeebta badweynta ee gobolka Midi.

Sida laga soo xigtey ilo ciidan, mid ka mid ah Ciidanka Ilaalada xeebta ayaa intii uu ku guda jiray Roondayn Ciidan ayaa wuxuu ku guuleystey inuu helo shabakad miino bada ah oo toban mayl u jirta xeebta jasiiradda Ghorab, oo ay dhigeen Ciidanka Cali Cabdale Saalax badda.

Kooxdan miinada ayaa soo saartay Qaar ka mid ah miinooyin la dhigay xeebaha jasiiradda si ay u qarxiyaan, iyada oo daraasiin kale oo miinooyin ahna lagu wado in laga soo saaro Badda.

2-dii Sebtembar ayaa ciidamada badda ee isku dhafka ahi Fashilyeen isku-day ah in miino lagu aaso Xeebta Badda Kooxdaas oo ahayd koox khubaro miinooyinka ah Waxaanay Ciidamadu Qarxiyeen Doontii ay ku sideen waxaana lagu dilay ilaa shan Khabiir oo kuwa miinada dhiga ah.


Taliska Isbahaysiga Dagaalka ka wada Yemen ayaa ka digay khatarta miinooyinkan taas oo khatar galinaysa ammaanka iyo dhaqdhaqaaqa socdaalka caalamiga ah iyo ganacsiga iyo sidoo kale maraakiibta gargaarka iyo maraakiibta gelaya magaalooyinka Yemen iyo gobollada.

Hogaamiyaha Kooxda Xuutiga Abdulmalik al-Houthi ayaa ku hanjabay in uu bartilmaameed u yahay maraakiibta caalamiga ah..

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso