Masiirkaagu Waa Xabsi haddii aanad  Caawin Qof Caawimo Kaaga Baahan Jidadka Jermalka!!!

Jarmalka ayaa Bilaabayy maxkamadaynta Saddex qof oo aan caawinin Ruux waayeel ah oo ka soo baxay bangiga ATM- ka dibna miyir doorsoomay.

Nin Da`diisu ahayd 83-jir kamuu soo noqon Miyir Doorsoonkii se aakhirkii uu dhintay.

Kaamiradda ilaalinta ayaa muujisay afar qof oo ka agdhawaa ninkaas ka hor intaanu iman ruux shanaad oo ka adeeganayay ATM kaas oo u dalbay adeegga ambalaaska.

Mid ka mid ah dadka ayaa u sheegay maxkamadda in uu u maleynayay in ninku ahaa Darbi Jiif hurdana.

Ninka afaraad ee ka soo muuqday sawiradaas loogama yeedhin maxkamad sababtoo ah waxaa uu ahaa nin xaalad caafimaad oo liita ku jira.

Sharciga Jarmalka wuxuu ku waajibinayaa muwaadiniinta inuu caawiyo ama ugu yaraan u raadiyo gargaar degdeg ah oo caafimaad Ruuxa Xaalad Caafimaad la soo deristo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso