Iskudhacyo u dhexeeya Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Wax Tahriibiya oo ka Dhacay galbeedka Libya

Magaalada Misrata ayay ka dhaceen isku dhacyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo ragg hubeysan oo ka tirsan Shabakad Wax Tahriibisa galbeedka Tripoli ee Caasimadda Liibiya.

“Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii la dilay xubin ka mid ah kooxda Ahmed Debashi, oo lagu Naanayso ” Al-Camo ” oo ka mid ah kuwa ugu caansan ee dadka tahriibaya wadanka Liibiya, wuxuuna Xukumaa kala badh magaalada Sabratha,” AFP ayaa ka soo xigatay ilaalada ammaanka ee Misrata Libiya.

Afar nin ee hubeeysan ayaa soo raacay Al-Camo, kuwaas oo saarnaa gaadhi kuwaas oo ku soo riday bar kontorool rasaas,taas oo ay ka jawaabeen Ciidamadu waxayna keentay in la dilo mid ka mid ah raggii hubaysnaa kana dhaawacmeen saddex kale.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso