Boqol Caruur Belgian ah oo ku nool Suuriya iyo Ciraaq

Wasiirka Cadaaladda Belgium Kun Jeans ayaa sheegay in ay  joogaan Suuriya iyo Ciraaq 100 caruur ah oo haysta dhalashada Belgian ama waalidkood joogo Belgium.

Iyadoo laga jawaabayo baadhitaanka baarlamaanka wasiirka ayaa ka soo xigtay dokumentiyada Ocam  29 ka mid ah ay ku dhasheen Belgium, halka kuwa kale (qiyaastii 70 carruur ah) ay ku dhasheen Suuriya iyo Ciraaq. Waxa uu sheegay in ay jiraan 38 Hablo ah iyo 42 wiilal ah.

Wargeyska La Derniere Heure ayaa sheegtay inaysa  jirin wax macluumaad ah oo ku saabsan joogitaanka carruurta kale  Waxay sheegtay in qiyaastii 80% carruurta ay ku jiraan Gacanta Dawlada Islaamiga ah.

“Ma garanayno inta qof ee halkaa ku dhalatay iyo inta ilaa imika ka dhimatay,” ayuu wargeysku ka soo xigtay ilo Wasaaradda Cadaalada ee Belgian.

Ilaha ayaa walaac ka muujiyay jiritaanka dhibaatooyin sharci oo culus oo wajahaya habka loogu aqoonsanayo muwaadiniin Belgian ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso