Wasiir Suuri ah oo Ka Baxay Shir Caalami ka Dib Markii uu Hadalka Qaatay Wasiir Israel  ahi!!

Wasiirka Dalxiiska Suuriya Bishr Yaziji ayaa ka  baxay Shirka Dalxiiska ee Caalamka oo ka Socda Shiinaha markii uu wasiirka dalxiiska ee dalkaasi Isreal u kacay inuu hadlo, waxaana ka daba Baxay wasiirrada dalxiiska ee Iran iyo Lubnaan.

Yaziji ayaa Shiinaha u yimid shirkii dalxiiska 22aad ee Ururka Dalxiiska ee WTO oo laga furay Chengdu, Shiinaha, iyada oo hoos imanaysa mawduuca “Dhaqaalaha dalxiiska ee lagu gaadhayo ujeedooyinka horumarka waara”.

“Suuriya waxay qaadaysaa talaabooyinkeeda ugu dambeeya si ay u guulaysato argagixisada, marxaladda soo kabashada ayaa bilaabantay,” ayuu yidhi Yaziji oo sheegay intii lagu jiray shirkii iyo ka hor inta uusan ka noqonin.

Wuxuu sidoo kale dalbaday in Yaziji in la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee lagu soo rogay Suuriya, isagoo tilmaamay in Suuriya lagu soo rogay argagixisanimo Warbaahineed iyo argagixisanimo dhaqaale oo ka muuqata muwaadin kasta oo Suuriya ah.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso