Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Keenay oo Ka Dhacay Qum, Iran

Saddex qof ayaa maanta ku dhintay  15 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax ka dhacay magaalada Iran ee Qom ilo caafimaad ayaa sidaas sheegay.

“Tuubo gaas ayaa maanta ku qarxay hoteel ku yaal meel u dhow Xabaasha Macsuuma ee magaalada Qom,” sidaasi waxaa yidhi Mohammad Reza Muzaffari.

Sarkaal ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo burburka hudheelka oo laba-dabaq ah.
Ilaalada caafimaad  oo  Iran ayaa xaqiijiyay in “inta badan dadka dhaawacmay ay yihiin Ciraaqiyiin ku suganaa gudaha hotelka.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso