Magaceeda waa Farida Maantana Waa Halyeeyad Geesi ka ah Dalka Mexico Waxay Badbaadisay 52 qof masiibo dabiiciga ah ee ka dhacday Mexico dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay waddanka Salaasadii la Soo Dhaafay.
Eyadan ayaa 7-sano jir ah waana shaqaale samatabbixinta loo tababarey burburka, waxayna ka qaybqaadatay hawsha iyo dadaalka samatabbixinta ee masiibooyinka kala duwan ee dalkeeda iyo adduunka oo dhan Waa shaqaale Ciidanka badda Mexico ka tirsan.
Geesta kale waxaa ammaanay madaxweynaha Mexico Bartiisa Twitter ku soo qoray , sidoo kale muwaadiniinta ayaa sawirkeeda ku dhajiyay Lacagta Dalkaasi noodhka 500-peso halkii uu ku yaalay Diego Rivera iyaga oo u adeegsaday Sawirka loo yaqaan Photoshop ka.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay Farida waxay awood u yeelatay in ay ka hesho tiro dad ah oo nool oo ka hooseeya burburkii dhismayaasha ku burburay dhulgariirkii caasimadda Mexico.
Warqabadka ToggaHerer