Gudaha Ka Eeg :  Bangladesh oo ka  mamnuucday  Telefoonka Gacanta Qaxoontiga Rohinga

Bangladesh ayaa ka mamnuucday shirkadaha isgaadhsiinta in ay ka iibiyaan khadadka taleefanka iyo adeegga isgaadhsiinta Rohinga sababo ammaan dartood.

Maamulka ayaa ugu hanjabay afarta shirkadood ee telefoonada gacanta  ganaax lacageed haddii ay bixiyaan Telefoonka gacanta Siiyaana 430,000 qaxootiga reer Burmese adeegga isgaadhsiinta inta lagu jiro mamnuucidda.

Bangladesh ayaa mamnuucday iibinta telefoonnada gacanta ee dadka aan lahayn warqado aqoonsi oo rasmi ah, iyada oo ujeedadu tahay in ay hoos u dhigto awooda Kuwa iyada ka soo horjeeda.

“Hadda ma iibsan karaan (Rohinga) qalabka taleefanka si ay ugu biiraan adeegyada,” ayuu yidhi Atayat Hussain, oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Isgaadhsiinta.

Wasiir Dawlaha Isgaadhsiinta Tarana Xaliim ayaa sheegay in go’aanka la qaatay Sabtidii in uu mamnuucayo Isgaadhsiinta dadka reer Rohingya ay sabab u tahay amniga. “Waxaan tallaabo tallaabo u qaadnay (Qaabilada Rohingya) sababo bani-aadminimo, laakiin ma ahan in aan khatar galinno ammaanka,” ayuu yidhi Halim.

Rohingyas  ka soo cararay si ay uga baxsadaan rabshadaha Rakhine State afartii toddobaad ee ugu dambeeyay ayaa ku nool xerooyinka qaxootiga ee Cox ee Bariaar ee ku yaalla koonfurta galbeedka Bangladesh.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso