Gudaha Ka Eeg : Wax La Yaab Leh oo ku saabsan Galaaska iphone 8

Apple Insider ayaa shaaca ka qaaday in galaaska dambe ee iPhone 8 iyo iPhone 8 Plus Samayntiisu ay ku kici doonaan wax ka badan kharashka shaashadda hore.

Sida lagu qoray Bogga “Apple Insider,” qaybta dayactirka shirkadda, Apple Care ayaa ku qasbi doona isticmaalaha in uu bixiyo $ 99 si loo hagaajiyo jabniinka gadaasha telefoonka ka samaysan Quraarada.

Dayactirka shaashadda iPhone ka  shirkadu iibiso ee Damaanada   Apple Care Wuxuu ku kici doona $ 29, waana mid ka jaban  qiimaha dayactirka gadaasha telefoonka.

iPhone 8 wuxuu leeyahay muraayadda difaaca oon xoqmayn kana adkaysi badan kii ka horeeyey ee iPhone 7, oo asalkiisu ahaa bir macdani si yar oo fududna u xoqmayay.

 

Ma jiro wax macluumaad ah oo isaga laga hayo  kharashka dayactirka iPhone X, kaas oo la sii daynaayo sanadkan dambe.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso