Waa Shakhsi Isku Kalsoon , Oo ku Dayasho Mudan. Cabdikarim Axmed Mooge


Waana dhalinta JSL. kuwa lagaga dayan-karo:
♡. Akhlaaq ahaan , &
♡. Heer nolaleed-ba. 

Wuxu ka mid ahaa Aasaasayaashii ururka dhalinyarada Havoyoco, 1991-kii.

Cabdikarim Axmed Mooge wuxuu ahaa aasaasihii waxbarasho 1994. Kaam Abokor Ethiopia. Waxaana lagu xasuusan karaa xili ay adagtahay in hami waxbarasho qofka galo waayaha lagu jiro dartii inuu ahaa kii sababay in dhalinyartii xiligaas wax bartaan. Waayo waxay ahayd xiligii dagaalkii sokeeye socday dadkuna u qaxeen Ethiopia. Xiligaas ayuu ahaa jiheeyihii dhanka qumman & waxbarashada.
Waxaanu ka markhaati kacayaa qof wal Oo joogay Kaam Abokor inuu Cabdikarim ahaa kii indhaha u furey una ilo bixiyay dhalinyartii joogtay Kaam Abokor. Dhalinta maanta ku jirta iskiriimka hormuudka dhalinyarada Hargeysa badi waa ardaydii uu soo gacan qabtay alle ha sharfee Cabdikarim Axmed Mooge.

Wuxuu noqday Madaxii Haayada Novip ee JSL. 

2008-Kii Xisbiga UCID wuxuu u doortay xubintii gudida doorashooyinka qaranka, balse wuu ka cudur daartay. 
Markii saaxiibadii  ay ka hor yimaadeen iyagoo ku khasbaya inuu jagadaa qaato  wuxuu yidhi (anigu maan gaadhin 40 jir sida xeer-ku dhigayo. Markaas ayay isku dayeen inay ku yidhaahdaan waar iska sheego oo waan gaadhay dheh 40-tan jir ma cid baa og da”daada. Isna wuxuu ugu jawaabay ma jiro wax igu kalifaya inaan been sheego, beenna kuma dhaaran karo umadda JSL-na Ma khiyaamayn karo ).
 
Cabdikarim Waa shaqsi ku suntan 
☆. La dagaalanka Qabyaaladda.  

Cabdikariim Ahmed Mooge   wuxuu xilkii wasiirnimo ee uu Qarankan u hayay uga tagay: 
¤. U hal-gamidda somaliland cusub oo qabyaalad ka madax banaan. 
¤. Helidda somaliland cadaalad ku dhisan &
¤. Maamul wanaag.

Wax kale oo uu tusaale nool u yahay dhalinta dalka ka tahriibaysa 
Cabdikariim waa shakhsiga ay siisay kalsoonida & wadaniyad jecelka ku jiraa: 
Inuu noqdo ninka kaliye ee JSL. ku nool oo intuu dalka NORWAY ka helay dib u dajin , isaga iyo xaaskiisu oo markuu  muddo yar joogay ku yidhi dawladdii NORWAY anigu waxaan ku noqnayaa dalkaygii hooyo ee JSL. Iskana haysta sharcigiina iyo dhalashadiina, ka dibana Hargaysa ku soo noqday
Cabdikarim Axmed Mooge 
Waa Hormoodka la dagaalanka 
♡. Tahriibta , 
♡. Qabyaaladda & 
♡. Dawlad xumida.

Sidoo kale Cabdikarim waa shakhsi alle ku manaystay sifooyinkan waana:
☆. Nin aan hungurigu hogaamin
☆. Nin hayalsan.
☆. Nin han-Weyn 
☆. Nin ka fog dhaqamada dadka dhexalsiiya sifooyinkan xun-xun:
♡. Xiqdiga
♡. Xaasidnimada
♡. Takoorka
♡. Calool Xumada & wax wal Oo xun.

Waxa Kale Oo uu isku darsaday :-
¤. Karti 
¤. Dadaal
¤. Daacad 
¤. Dadnimo
¤. Ilbaxnimo
¤. Waayo aragnimo 
¤. Aqoon &
¤. Hufnaan shaqo.

Waana shakhsi ay siisay kalsoonida naftiisa ku jirtaa inaanu ka aamusin sheegista wixii qaldan. Kuna sifoobay:
Run sheegnimo
Xaqa hoos u dhigin, taas oo uu Ka hidaystay adeerkii Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan alle haw naxariistee.

Cabdikarim waa:
Indheergarad tilmaama waxyaalaha lagu horumarin-karo bulshada.
Waa shakhsi koobsaday dhawr sifo oo aan dadku isku wada helin, qof alle hibo u siiyay mooyeee.

Waxaan ku soo af-meerayaa :-

¤. Hadduu dhagaxu isku hayb tirsado dheeman baad tahay.
¤. Dhayal uma hadlaayee shishaad dhuux u leedahay.

La Soco qormooyinka denbe……….

Allaa Mahad Leh.

Advertisement

Ku Xayeysiiso