Kurdistaan oo looga Dareeray Aftida Gooni Isutaaga Iyo Madaxweyne Barasaani oo Dhiibtay Codkiisa

Dadka degaanka Kurdistan ayaa u dareeray in ay codkooda ka dhiibtaan Gooni isutaaga Gobolkooda ee Dhulka Ciraaq.

Goobaha Cod Bixinta ayaa la furay saacadda Sideedii Subaxnimo ee Saaka (0500 GMT)Waxaana la xidhayaa 6-da Galabnimo, Natiijada kama dambeysta ah waxaa lagu dhawaaqi doonaa 72 saacadood gudahood.


Madaxwaynaha gobolka Kurdistan Massoud Barzani ayaa isagu Dhiibtay Codkiisa aftida.

In ka badan 5 milyan oo cod bixiyayaal ah ayaa ka qaybqaadanaya aftida oo ah saddexda gobol ee Kurdistan, Sulaymaniyah iyo Dohuk, iyo sidoo kale goobo lagu muransan yahay oo u dhaxeeya Kurds iyo dawladda dhexe ee Ciraaq, oo ay ku jiraan Khanaqin oo ku taal gobolka Diyala waqooyi bari ee Ciraaq.

Barzani ayaa shir jaraa’id Axadii ku sheegay “in dowlada soo socota ay tahay mid dimuqraadi madani ah ahayn Mid Mad-habeed” isaga oo intaa ku daray in dadka ka soo horjeeda aftida iyo beesha caalamku ay la macaamili doonaan xaaladda.

“Waxaan diyaar u nahay inaanu la dagaalanno gardaro kasta laakiin kama fikirno colaad ciidan oo dhan, mana jirto sarkaal siyaasadeed ama ciidan oo awood u leh joojinta aftida,” ayuu yidhi Barzani.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso