Wuxuu Dilay Haweenay Todoba Kalena Wuu Dhaawacay Suudaani Weerary Kaniisad ku Taal Maraykanka..

Bilayska Mareykanka ayaa xidhay Nin hubeeysan oo dilay haweeney dhaawacayna todobo kale kadib markii uu rasaas ku furay kaniisad ku taal Tennessee ee Maraykanka.

Telefishinka CNN ayaa sheegay in booliska magaalada Nashville ee gobolka ay fureen baadhitaan lagu sameeynaayo dhacdada, oo ka dhacday gudaha kaniisadda Brunette Chapel, Davidson, habeenkii Axadda.

“Bilayska ayaa xidhay nin hubeysan Emmanuel Kidgea Samson (25 sano jir), kadib markii la geeyey Cisbitaalka dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu isku furay si khalad ah.”

Ninka ayaa lagu Sheegay Suudaani haysta sharciga degaanshaha Maraykanka, maxkamad ayaa la soo taagi doonaa Arbacada soo socota iyada oo lagu eedaynayo dil sida uu sheegay Bilaysku.

“Qofka hubeysan wuxuu Soo Galay kaniisada Wakhtigii Salaada Maalinitii Axadii waxaanu ku furay rasaas dadkii joogay meesha taas oo keentay dhimashada gabadh 39 jir ah magaceeduna yahay Melanie Smith iyo todoba dhaawaca” ayuu yidhi booliska.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso