EEGAAN + JEEGAAN = GIRAAN W/Q : Amb Axmed Safiina

Curiyaha GIRAANTA SOMALILAND ahna Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI walaalkay Xirasi Cali Xaaji Xassan ayaa kaga dhawaaqay xafladii Lagu curiyay GIRAANTA SOMALILAND in aan labaa biinaynin Jeegaantii Siyaasada beelaha qaar ku midoobeen ee lagu badalay GIRAANTA Siyaasada Bahwaynta SOMALILAND ee Sucuubteenu Qarankuna u dhatahay

Jiheeyaha ama Darawalka GIRAANTA SIYAASADA SHUCUUBTA SOMALILAND Ahna Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga WADDANI Mudane C/Raxmaan #Cirro_2017 ayaa Curiyaha kalmada Macnaha wayn Xambaar San ee HOGAAMIYE kuna Naanaysay Mudane Hersi Cali X. Xassan

Hogaamiye Masuulka Loo bixinayo waa in laga helaa Sifooyinka 1-Curin siyaasadeed oo Suuban, 2- Hagitaan waafi ah 3-Jihanta Shabka iyo Dalka
4- Karti xad dhaaf ah , 5-Run sheegid xataa haday qadhaadhahay , 6- Balan aan laga bixin, 7- Qawl, 8-Oofinta Wacad, 9-Dadaal Dheeraad ah , 10-Daacadnimo bilaa xuduud ah , 11-Firfircooni bilaa daal ah , 12-Qancin Shacan, 13- Khudbad waafi Ah 14- Qadarin Umadeed 15- iyo isku kalsooni, Dhamaan Sifooyinkaa suuban waa Calaamado ilaahay ku manaystay kuna gargaaray
Hogaamiye Hersi Hassan

Muwaadin Hadaan tusaale kooban ka bixiyo GIRAANTA Siyaasada SOMALILAND
kaliya waxa weeye JEEGAAN tii jirtay JEEGAAN ugee waxaa inoo soo baxaya waa GIRAAN Siyaasadeed Xisbiga Rajada Shacabka ee WADDANI oo ay ku dhamays tiran yihiin dhamaan shucuubta qaranka oo dhan sidaas ayaynu ku gaadhaynaa Horumar dalka, Dhis waddanka, difaac qaran iyo Gaadhitaanka Hadaf keenii ahaa ICtiraaka SOMALILAND ale hayna gaadh siiyee

Hadii kale waxaynu noqonaynaa in badhkeen jeegaanta difaaco iyo inta kalena jeegaanta la dagaalanto
Markaa ilaahay kama dhigee gacanteena ayaynu ku Burburinaynaa QARANKAN dhiiga loo shubay Inaga ayaa isu muuqanayna iskuna Mashquulayna Cadawgeena ayaa inagu farxaya Waxaynu Dayacaynaa Dhiigii Loo shuhadada qarankan SNM ilaa Daraawiishtii

Muwaadin ka qabqaado codkaagana sii#GIRAANTA_XISBIGA_RAJADA_SHACABKA
#_Waddani_CIRRO_AMB_MAXAMED_2017

Sawir kan hoose wuxuu Ina tusayaa
JEEGAAN + JEEGAAN = GIRAAN

Amb Ahmed Safiina
Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Wadamada Islaamka ee Xisbiga WADDANI

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso