Cod- Bixinta Aftida Kurdistan Dadka Codeeyey oo Gaadhaya Boqolkiiba laba Iyo Todobaatan

Komishanka doorashooyinka ee aftida Gooni isutaaga kurdistan ayaa sheegeyey in dadka codeeyey yihiin boqolkiiba 72%.

Tirinta aftida taariikhiga ah ayaa wali socota.

Codaynta ayaa laga qabtay Isniintii saddexda gobol ee waqooyiga ee uu ka kooban yahay Dhulka Kurdistan iyo meelaha la isku haysto ee u dhexeeya Kurdida iyo dawladda dhexe ee Ciraaq.

Kurdiddu waa kooxda afaraad ee ugu weyn Bariga Dhexe laakiin waligood ma aysan noqon dawlad taariikhda .

Waxaa lagu qiyaasa in kurdida Ciraaq ay u dhaxeyso 15% ilaa 20% tirada guud ee dadweynaha 37 milyan. Tobanaan sano ayay Kurdidu la kulmayeen mawjado cadaadis ah ka hor intaanay helin Maamul Hoosaad sannadkii 1991.

Qiyaastii 5 milyan iyo 200,000 Kurdi iyo dad kale oo da’doodu tahay 18 jir ama ka weyn oo ka diiwaan gashan goobaha Kurdish-ka ah ayaa xaq u leh inay ka qaybqaataan aftida.

“Waxaan sugeynay maalintan oo kale muddo 100 sano ah, Waxaan dooneynaa inaan helno dawlad, maanta waxaan u dabaaldegaynaa dhammaan kurdida waxaanan Haa ku odhanaynaa Kurdistan,” ayuu Reuters u sheegay cod-bixiye ku jira safka Cod-bixinta dugsi hortiisa magaalada Arbil.

Waxaa la aaminsan yahay in codka Haa Uu Noqon Doono Mid aad U Badan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso