Daawo : Kurida Iran oo u Dabaal Degtay Aftida Kurdistan-Ta Ciraaq Una joojin Dawlada Dhexe ee Iran


Kurdida Iran ayaa jidadka magaalooyinka kala duwan u soo baxay si ay ugu dabaaldegaan Aftida Kurdistanta Ciraaq , waxayna muujiyeen farxad ay u qabaan Walaalhooda iyada oo ay Noqonayso Dawladii u horeysay ee Kurdi.

Sanandaj oo ah xarunta gobolka Kurdida ee galbeedka Iran ayaa kumanaan dad ahi u soo baxeen badhtamaha magaalada iyada oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada amniga gudaha iyo bilayska Iiraan, kuwaas oo ku tuuray bambooyinka Indha ilmada ka keena si ay u kala diraan, sida sawirada iyo fiidiyowyada ay dhigayaan dad dhaqdhaqaaqayaal baraha Bulshada.

Magaalooyinka Saqqaz iyo Banah ayaa iyana kumanaan u soo baxeen waddooyinka iyagoo ku dhawaaqaya “Xorriyadda Kurdistan” iyo taageerada Gooni Isutaaga.

Dhinacooda Xisbiyada Kurdida Iran ayaa soo dhaweeyey aftida Xisbiga Dimuqraadiga ee Kurdistan Iran (KDP), oo ah xisbiga ugu weyn ee Kurdida, ayaa soo saaray qoraal ay ku taageereen aftida isagoo ku nuuxnuuxsaday “xuquuqda dadka Kurdiyiintu ay y leeyihiin in Ay go`aamiyaan Masiirkooda.”

“Kurdiddu waa hal qof oo u kala qaybsan afar dal oo deris ah oo ka soo horjeeda rabitaankooda,” ayuu yidhi Xisbiga Dimuqraadiga Kurdistani, oo la aasaasay 70 sano ka hor oo una dagaalamaya xuquuqda Kurdi ee Iran.

7 milyan oo kurdi ah ayaa ku nool waqooyi galbeed iyo galbeed dalka Iran badankooduna waxay degaan gobollada Kurdistan, Kermanshah, Western Azerbaijan iyo Elam, waxayna filayaan in madax-bannaanida Kuurdida Ciraaq ay saameyn weyn ku yeelan doonto ka soo horjeedka ay kaga soo horjeedaan dawladda dhexe si ay u helaan xuquuqdooda..

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso