Khabiir xayawaan Ruush ah ayaa dhintay Isaga oo Si Toos ah Ugu Jira Internet-ka Markii uu Qaniinay Mas.!!!

Dhacdo naxdin leh, aqoonyahan Cilmiga xayawaanka ahaana xidig Baraha bulshada ee dalkiisa Arslan Valiev ayaa u dhintay khatarahii uu sannado badan ku barbaarinayay dadka sida looga fogaado.

Valiev oo caan ku ahaa inuu baro qaababka loola macaamilo xayawaanka Loogana fogaado khatartooda duubayna boqolaal fiidiyoow ah oo yaalla Barta YouTube, wuxuu neefsashadiisa u damabaysay Sii Daayay isaga oo Toos ugu Jira Barta uu ku lahaa internet-ka sababtoo ah sidii khalad ka ahayd ee uu ula macaamilay xayawaankaas.

Habeenkii Axada Valiev ayaa waxaa Qaniinay Mas sun ah gurigiisa kaas oo ay ka buuxaan xayawaan noocyo kala duwan ah halkii uu uga yeedhan lahaa Gurmad Degdeg ah Si uu u badbaadiyo noloshiisa, wuxuu soo fadhiistay kamaradiisa horteeda isaga oo la hadlaya dadka taabacsan boggiisa markii uu dhintay.

Valiev wuxuu fiidiyoow ka soo muuqday bogiisa internetka isaga oo silicaya iskuna dayaya in uusan luminin miyirka ka hor inta uusan helin saacado kadib markii uu miyir beelay si uu ugu neefsado isbitaalka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso