Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Suuriya ayaa sheegay in xukuumaddiisu diyaar u tahay inay la xaajooto Kurdida dalabkooda Marka la jabiyo Dawlada Islaamiga ah.
Wareysi ay la yeesheen warbaahinta Ruushka Al-Mucalimi ayaa sheegay in dawladda Suuriya ay tixgelinayso baahida kurdida ah marka laga adkaado ururka Islamic state.
“Kurdida Suuriya waxay doonaysaa qaab is-maamul ah oo ka dhexj jira xudduudaha Jamhuuriyada Suuriya,” ayuu yidhi Mucalimi “Arrintani waa wadahadal ” Marka aan ka saarno Daacish meesha, waxaanu la fadhiisan doonaa Walaaladeena Kurdida oo aan fahmi karno qaabka mustaqbalka.
Warqabadka ToggaHerer