Video Ammaanka Ruushka oo ku Qabtay magaalada Irkutsk Xubin ka Tirsan Daacish oo Caalami ahaan Loo Raadinayay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in la qabtay mid ka mid ah ururka “Daacish” oo Caalami ahaan la Raadinayay intii lagu jiray hawlgal ammaan oo laga fuliyey gobolka Irkutsk oo ku yaal qaybta koonfur bari ee Siberia.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Daakhiliga Ruushka Irena Falk ayaa sheegay in Ninka La xidhay yahay 30 sano Jir waxaana raadinayay bilayska caalamiga ah ee (INTERPOL) waxaanu ku eedeysan yahay in ka qayb qaatay hawlaha ururka “Daacish” ee argagixisada ah lagan mamnuucay caalamka, Falk wuxuu intaa ku daray in ninku ka yimid jamhuuriyad la deris ah Ruushka, isagoo aan caddayn jinsiyadiisa iyo magaciisa.

Ammaanka Ruushka ayaa ninkan ku xidhay magaalada Irkutsk halkaas oo uu kaga shaqeynayay shaqaale dhismaha ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso