Tacsi Xisbiga Kulmiye u Dirayo Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Talyaanle

TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Talyaanle oo ku geeriyooday dalka Hindiya xalay oo taariikhdu tahay 26/09/2017.

Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Talyaanle waxa uu ka mid ahaa haldoorkii Somaliland ee ka shaqeeyay midnimada iyo qaangaadhka Siyaasadeed ee Somaliland. wuxuu uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ehlu sharafka ah ee odaytinima leh.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku sifeeyay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle siyaasi astaan u ahaa difaaca iyo qarannimada Jamhuuriyada Somaliland una soo shaqeeyay dadkiisa iyo dalkiisa.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso