Wasaaradda Difaaca Ruushka: Waxaan Dilnay 5 ka mid ah Hogaamiyayaasha iyo 32 dagaalyahan-ka Jabhatu Nusra Magaalada Idlib

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Ruushka General Igor Konashnikov ayaa sheegay in shan ka mid ah taliyayaashii iyo 32 ka tirsan dagaalyahannada ka soo jeeda “Jabhatu Nusra” ay ku dileen weerar diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta magaalada Syria ee Idlib.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamadda Ruushku ay fuliyeen weerar diyaaradeed oo ku dhisan xogo laga helay dhowr meelood kaas oo sheegay in kulan ay yeelanayeen Hogaaminta iyo taliyayaal, Natiijada weerarka ayaa noqotay shan ka mid ah taliyeyaasha iyo 32 dagaalyahan in la dilay.

Duqeynta Ruushka ayaa sidoo kale keentay in la burburiyo bakhaar ay yaaleen Rasaas iyo walxaha qarxa sidoo kalena lagu burburiyey lix baabuur oo ku qalabaysan Qoryo.

Madaxda lagu Laayay Duqeyntan ayaa kala ah Abu Salman AlSucudi Madaxa qaybta koonfurta ee degmada Idlib, Abuu Cabbas Alaeddin (Amir-ka Beytul Maalka), Abu al-Hassan (lataliyaha wasiirka dagaalka Abu Muhammad al-Julani), Walid al-Mustafa (kaaliyaha hoggaamiyaha diinta Abdullah al-Muhaisni) iyo Abu Mujahid Garsoore Sharci.

Konashinkov ayaa sheegay in hawlgallada gaarka ah ee raadinta iyo tirtiridda dagaalyahannada iyo weerarrada militariga Ruushka ee Suuriya ay sii socon doonaan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso