Marwada Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horreysay Wax Laga Weydiiyey Musuq & Faro-gelin Lagu Eedeeyo Inay Uga Faa’iidaysato Awooddaha Dawliga ah Ee Qaranka

 

 Akhri: Jawaabo Ay Ka Bixisay Su’aallo Xamaasad Huwan Oo  Ku Saabsan   Eedaha Loo Jeediyo ee la Xidhiidha Musuq iyo faro-gelinta Dawladda

  • “Anigu qof gaajoonaysa oo wax boobaysa ma ihi, qoyskayaguna waligiiba wuu iska ladnaa”

“Aniga shacabku imay dooran ee Axmed (Madaxweynaha) ayay doorteen runtii inay dadka qaarkii   i caayaan waa khalad”

  • “Siilaanyo nin ka daacadsan, ka muwaadinsan oo musuqmaasuq ka necebi ma jiro”

Hargeysa(Togaherer)- Marwadda Kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa iska baraxday eedaymaha loo jeediyo ee la xidhiidha musuqmaasuq iyo inay  farogeliso maamulka dawladda.

 

Waxa kaloo ay  sheegtay inay qoyskoodu ladnaayeen  waligood oo aanay gaajo ku soo korin isla markaana aanay ahayn qof baahan oo wax boobaysa.

Marwo Aamina Waris waxay sidaas ku sheegtay waraysi dheer oo xiiso badan oo ay   kaga hadashay qodobbo badan oo ku wajahan siyaasadda, arrimaha bulshada, doorashada madaxtooyada ee waddanka ka qabsoomaysa dabayaaqada sannadkan iyo waxay qaban doonto marka odaygeedu wareejiyo talada dalka.

Marwada kowaad oo la weydiiyay inay si kooban faahfaahiso taariikh nololeedkeedii, waxay tidhi; “Anigu  degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaan ku dhashay, iskuulkana waxaan ka galay magaalada Burco ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanan ahaa hablihii ugu horreeyay ee iskuulka Boodhinka ah ee Burco gala, markii aanu iskuulka dhammaynay anigu lambayrkaygu wuxuu ahaa 11 (kow iyo toban), inantii  noogu lambarka dheerina waxay ahayd lanbar 18.”

Waxa kaloo ay sheegtay inay si lama filaan ah iskuulka loogu daray markii walaasheed oo ka weynayd ay diiday, waxaanay tidhi;  “Anigu si lama filaan ah ayaan ku galay iskuulka, walaashay oo iga weyn ayaa diiday iskuulka oo ka dhaaratay.  markaa walaalkay Eng.  Cali Jirde ayaa intuu Hargeysa ka soo dhoofay yidhi Siciido haddii ay diiday inay waxbarato Aamina ayaa la qorayaa, hooyadayna way diiday oo waxay tidhi ‘Aamini way yar tahay oo malcaamada ayay dhiganaysaa.’ Markaa waxaa la yidhi markay fasaxa ka timaado ayay dhigan doontaa markaa sidaasi lama filaanka ah ayaa iskuulka la igu  geeyay, iskuulka waxaa wax na bari jiray dad cadaan ah, iskuulkaasi markii aan dhammeeyay waa nala kala qaybiyay oo waxaa nalaga dhigay laba qaybood kuwii Arts-ka ku fiicnaa  macalimiin ayaa laga dhigay , kuwii Sayniska ku wanaagsanaana waxa loo qaatay  dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad. markaa anigu kuwii Sayniska ku wanaagsanaa ayaan ahaa oo waxaa la i geeyay qaybta Kalkaalisooyinka oo  cusbitaalka  Hargeysa ayaanu joognay muddo toddoba bilood ah, kadibna  Egland ayaa naloo diray  annagoo afar  hablood ah intii kalana halkan ayaa lagu tababari jiray.  Waxaannu  qaadanay la isku geegeeyay  oo socday muddo   hal sanno ah. Markii  aanu dhammaynay waxbarashadii  ayaanu Collage-kii qabanay sidaasi ayaananu wax ku baranay.”

Anigu markaa Umuliso ayaan bartay, markii aan soo noqday ee aan Xamar imid ayaan iskuulka Kal-kaalisooyinka aan macalimad ka noqday, aniga oo iskuulkaasi sannad ka shaqeeyay ayaa walaalkay Cali xanuunsaday waanan  ka tagey oo walaalkay ayaan la shaqeeyay oo lahaa laba shirkadood  oo waaweyn oo la kala odhan jiray  Somali Contract iyo Somali Cement, markaa kuwii baan ka shaqeynayay oo wadnaha ayaa laga qaylay barigaasna qofka wadnaha laga qalaa way inala adkayd sidaas darteed ayaan Kalkaalisadii uga tagey.”

Marwadu oo ka hadlaysay sidii ay isku barteen madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxay tidhi; “Markii aan Jaamacada England kaga jiray isna madaxweyne Axmed Siilaanyo  wuxuu joogay oo jaamacad kaga jiray  Manchester. aniguna  London dusha waanu iska naqaanay oo walaalo ayaanu ahayn, laakiin aniga waligay England kumaan arag Axmed haseahaatee waxa la yaable maalinkii ugu horreeyay ee aan England ku soo noqday ee aan imid ayaa gabadh aanu saaxiib nahay ayaa gurigayaga iigu timid oo igu tidhi ‘maanta safaarada Maraykanka ayaa bandhig  samaynaysa oo hablo loo dhar xayeysiinayee aan ku geeyo ayay tidhi.’  Markaa   safaaradaasi bandhigii ay qabatay  ayaan  Axmed (Madaxweyne Siilaanyo) la isku kaaya baray, calafna waanu isku lahayn.  Waxaanan is guursanay sannadkii 1968-kii  shan carruur ah oo iskugu jira    laba hablood iyo saddex wiil ayaan u dhalay oo kala yihiin Luul iyo Hodan iyo saddexda  wiil oo magacyadoodu kala yihiin  Kulmiye, Cali-salaan iyo Rashiid.”

Marwo Aamina Waris oo  la weydiiyay  waxay iskaga difaacayso dadka ku eedeeya inay talada xukuumadda gacanta kula jirto halka dadka qaarna ku eedeeyaan musuqmaasuq, waxaanay ku jawaabtay; “Eedahaas aad sheegayso  kursigaa  eeda leh oo  madaxtinimada ayaa  eeda leh, Siilaanyo waa madaxweyne waana odaygaygii konton sanno ayaan aqaanay uma amaanayo inuu odaygaygii yahay  ee nin ka daacadsan, ka muwaadinsan, oo tuugo ka neceb oo musuqmaasuq ka neceb oo ka neceb dalkiisa wixii  hoos u dhigaya  ma jiro. Waan ku kalsoonahay ummadda reer Somalilandna way ku wada kalsoon yihiin.”

Waxa kaloo ay intaas ku dartay; “Anigu (marwadda) madaxweynaha  ayaan la shaqeeyaa, haddii aanan la shaqeyna waxaan ahaan lahaa qof aan jirin. Sidaas awgeed  Bil Clinton ayaa markii uu ololaha ku jiray laga guntay murtidii ahayd ‘Dadka Mareykankow i doorta aniga, Hillary Clinton oo ooridayda ahna  bilaash ayaad ku helaysaan waayo aragnimadeeda markaad aniga i doorataan iyana way idiin shaqaynaysaa.’ waxaan leeyahay aniga shacabku imay dooran  ee Axmed (Madaxweynaha) ayay doorteen runtii  inay  aniga i xag-xagtaan ama i caayaan dadka qaarkii  waa khalad haseahaatee dan kama lihi oo xaaskii Axmed ayaan ahay.”

Waxay xustay inay wixii wanaagsan ay ku dhiirigeliso madaxweynaha, waxaanay caddeysay inay leedahay  aqoon iyo waayo-aragnimo ay kula talin karto. “Haddii la yidhaahdo Axmed miyaad la talisaa? Haa waan la taliyaa, haseyeeshee xumaan kulama taliyo, wanaag ayaan kula taliyaa caqli iyo tacliin iyo waayo aragnimo aad kula taliso miyaad leedahay  haddii ay su’aashu tahay?  Haa oo waxaan  leeyahay aqoon iyo khibradba.  markaa Axmed wanaagga ayaan kala shaqeeyaa.

Fikir marka uu iila yimaado hadday ay khaldan tahay waxaan idhaahda may ee Xaaji innaga daa, hadday sax tahayna Xaaji ku dhiiro waa wax wanaagsane ayaan idhaahdaa. taasina mid aan raaligalin ka bixinayo maaha,”ayay tidhi Marwada kowaad.

Waxa kaloo ay intaas ku ladhay “Gabadh waliba odaygeeda way la talisaa, gabadhii sidayda waxbaratay ee khibrad lihi khasab ayay  tahay inay la taliso. Waxay Soomaalidu tidhaahdaa ‘haddii lagu sheego waa la is sheelaa, haddii lagu sheelana waa la is sheegaa’ markaa haddii aan Axmed ag joogo wanaag ayaan la ag jooga.”

“Eedaha  kale ee  dad yidhaahdaan wax bay cuntay, wax bay xaday iyo yooyotankan anigu waan is ogahay oo qof gaajoonaysa oo wax boobaysa ma ihi, waligayo qoys ladan ayaanu ahayn reer ahaan. Sidaas awgeed ab iyo isir qof gaajo ku soo kortay oo wax boobaysa ma ihi,”ayay isku baraxday marwaddu, waxaanay intaas raacisay; “Wixii aanu qaranka u xafidi karaynayna waanu u xafidnay. waxaanu leenahayna waala yaqaan oo hore ayaanu u lahayn, balse dadkan i caayaya ee sidaas leh waa kursiga dartii berri markaan ka tago Aamina Waris cid caayaysa arki maysid. shalay markii odaygaygu aanu mucaaridka  ahayn cid i caayaysayna may jirin oo I lahayd waa tuugo, markaa waan u dulqaadanayaa.”

La soco qeybo kale oo kamid ah Waraysigan oo ay Marwadu Siisay Wargeyska Afka Xukuumadda ku hadla ee DAWAN, Waraysigaas oo ay kaga hadashay arrimo ay kamid yihiin   sidii ay u badhitaari jirtay madaxweyne Siilaanyo xiliyadii halgankii dib u xoraynta, xusuusteeda go’aamo adag oo madaxweyne Siilaanyo qaatay.

Waxa kaloo ay waraysigan qaybihiisa dambe ay kaga hadli doontaa shaqooyinkii ay dibada  ka soo qabatay, doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13-ka November ee sannadkan, shaqadii ay ka heshay Hay’adda Care International ee xukuumadii Rayaale ka hor istaagtay, haweenka Somaliland iyo ka qaybgalkooda siyaasadda iyo  shaqada ay qaban doonto marka madaxweyne Siilaanyo xilka madaxtinimo wareejiyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso