Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaal waqooyi-bari Nigeria, kaas oo u fulisay Haweenay isa soo miidaamiyay Sida ay u sheegeen Saraakiil Maxali ahi wakaalada AFP.
Qaraxa ayaa dhacay 5:00 subaxnimo (0400 GMT) masjid ku yaal magaalada Dikwa, oo 90 kiiloomitir u jirta Maidugur caasimadda gobolka Borno.
Dhinaca kale afhayeenka Maleeshiyo Maxali ah oo ka Taageerta Xukuumada Dagaalka ay kula Jirto Boko Xaram Cumar Ari ayaa sheegay in wax yar ka dib markii qaraxu dhacay qarax labaad oo isqarxin ahi uu dhacay isla markaana aanu ka dhalan wax Khasaara ahi, Qaraxa labaad ayuu ku sheegay in isna uu ahaa Haweenay Se Ciidamadu ay joojiyeen bar kaantarool ka dib markii ay ka shakiyeen se ay is qarxisay markii Dambe.
Warqabadka ToggaHerer