War Deg Deg ah: Natiijada Codbixinta Aftida Gooni Isutaaga Kurdistaan oo Hadda lagu Dhawaaqay + Natiijada  Waa 92.7% Waana  In Kurdistan noqoto dawlad madaxbannaan

Komishanka doorashooyinka iyo aftida waddanka Kurdistan oo hadda ka hadlaya Shir Jaraa`id oo ay qabteen kuna shaacinayaan Natiijada Aftidii Laga Qabtay Kurdistan  ayaa ku dhawaaqay guusha hawsha aftida  sidoo kalena sheegay in Dadka u Codeeyey in Kurdistan Gooni Isutaagto ay yihiin  92.7% taas oo ah In Kurdistan noqoto dawlad madaxbannaan.

Madaxa Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in hannaanka aftida loo fuliyay si dagan iyada oo aan jirin xadgudubyo waaweyni waxay  tilmaameen in tirada codbixiyayaasha   Haa   ay tahay 2.8 milyan oo qof.

Tirada Goobjoogayaashu waa  400 kormeerayaal caalami ah  2,000 oo kormeerayaal maxali ah, 159 warbaahin  ajnabi ah iyo  500 oo maxalli ah iyo 23,564 kormeerayaal Hay`adaha siyaasiga ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso