Haweenay Talyaani ah oo Is Guursatay Qabsatayna Xaflad La Yaabay!!!!

Haweeney Talyaani ah ayaa is guursatay waxay Xaflad u sameysey 70 qof oo marti ah, Waxayna Xidhatay Toobka Cad ee Aroosadaha.

Laura Messi oo ah 40-jir tababare Jidhka ah ayaa tidhi”Waxaan haystaa  Iimaan waa in aan Nafaheena marka u horeysa Jeclaana, Qof kasta oo inaga mid ah ayaa haya sheeko khiyaali ah xataa iyada oo aan lahayn amiir. “

Inkastoo munaasabadu aysan laheyn miisaan sharciyeed, Ms. Messi waxay qayb ka ahaa isbedelka ku aaddan is-guursiga oo loo yaqaan “Sologamy”, aduunka oo idil.

Laura ayaa sheegtay in ay go’aansatay in ay qabato arooska laba sano ka hor, ka dib markii xidhiidh 12-sano jiray uu gebogeboobay.

Qaar ka mid ah Taageerayaasha Xafladan ayaa sheegaya in ay ku saabsan tahay jacayl iyo is-oggolaansho Naftaada ah.

“Waxaan u sheegay saaxibada iyo qoyska in haddii aanan helin lamaanahayga Marka aan Gaadho da’da 40-sano jir, waan is guursan doonaa,” Laura ayaa sidaa u sheegtay Wargeyska La Repubblica.

Waxay intaa ku dartay “Haddii aan maalin uun helo nin aan kula qorsheyn karo mustaqbalka isaga waan farxi doonaa, laakiin farxaddaydu kuma tiirsanaanayso,” ayay tidhi.

Ms Messi ayaa sharxaday in ay tahay haweeneydii ugu horreysay ee Talyaani ah ee qabta xaflad Is aroos,Bishii May ee la soo dhaafay Nilo Ruggero ayaa is guursaday wuxuuna yidhi “Haa” xaflad ka dhacday magaalada Naples.

Dalka Japan, hay’ad dalxiis ah ayaa bilawday wada-shaqeynta aroosyada haweenka kelidood ah 2014. Waxa isna jira Website  Maraykan ah oo la yidha Waxaan Guursaday Naftayda waxaan ay bixisaa heshiisyada guurka noocaas ah.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso