Gudaha ka Akhri: Saddex Gobol oo Ku Fikiraya in ay Ka Go`aan Dhul Weynaha Brazil!!!

Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Koonfurta Xorta ah ee Dalka Brazil Celso Diocher ayaa sheegay in saddexda gobol ee koonfureed ay qorsheynayaan Kulan wadatashi  7-da bisha soo socota Suurtagalnimada Afti Gooni Isu Taag oo la Qabto Sanada 2018.

“Waxaa jirta Dhibaato dhaqaale Qaybinta Cashuurta oo Xun iyada oo ay jirto Miisaniyad Saraysa,” ayuu yidhi Diocher sida ay ka  soo xigtay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti, Gobollada koonfureed waxay ku xidhan yihiin cidla  waxayna naga horjoogaan inaan rajeyneyno Rajo iyo mustaqbal anaga oo hoos joogna hoggaanka Brazil.

Arrintan ayaa ka taagan Santa Catarina, Parana iyo Rio Grande do Sul ee Brazil, waxaana ku nool dad gaadhaya 9 milyan oo qof, Goboladani waxay leeyihiin dakhliga ugu sareeya ee dakhliga dalka.

Xarakadan Koonfurta Xorta ah  ayaa la aasaasay sannadkii 1992 Magaalada Laguna ee Gobolka Santa Catarina,Kadibna waxa ku soo biiray labada Gobol ee kale.

Sahan lagu sameeyay 500,000 oo qof sannadki 2016 waa mid ka mid ah guulaha ugu muhiimsan ee Xarakada ilaa  95%  ka qayb galayaasha ayaa sheegay in saddexda gobol ee koonfureed ay tahay inay midoobaan ayna abuuraan dawlad cusub oo ka baxsan xudduuda Brazil.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso