Congress oo u yeedhay  Google, Facebook iyo Twitter  Si ay uga markhaati  noqdaan kiisaska Ruushka

 
Golayaasha Senate-ka iyo  Congress-ka Mareykanka ayaa u yeedhay shirkadaha tiknoolajiyada Google, Facebook iyo Twitter si ay markhaati uga furaan  baadhitaankooda ku aaddan faragelinta Ruushka ee doorashadii madaxweynenimada ee 2016-ka.

Guddiga Sirdoonka Senate-ka ayaa sheegay in ay u yeedheen saraakiisha sadexda shirkadood in ay horyimaadaan si loo dhegaysto fadhiga November 1-deedii.

Guddiga ayaa baadhaya in Ruushku uu isticmaalay mid ka mid ah shabakadaha bulshada si uu saameyn karo doorashadii madaxweynenimo ee Donald Trump.

Guddiga Sirdoonka Congress-ka oo isna wada baadhitaan la mid ahayaa sheegay in ay u yeedheen saraakiisha shirkadaha si ay uga markhaati furaan.

Kremlin ayaa iska diidday inay wax faragelin ay ku sameeyeen doorashooyinka Marykanka.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso