Warbixin Si Loo Helo Doorasho Xor Ah Oo Xalaal Ah, Waa In Mudnaan Gaar Ah La Siiyaa Xallinta Cabashooyinka Soo Baxa Xilliga Doorashada.

 

 

 

 

 

 

 

 

September 26, 2017

Hargeisa, Somaliland

 

 

 

Soo Saare

 

Xafiiska la Socodka Arimaha Doorashooyinka (EMO)

Xarunta Darasaadka Siyaasada (CPA)

 

 

 

 

Contact Information:

centerforpolicy.ed@gmail.com

http://www.centerforpolicy.net/

INTRODUCTION

 

Waa warbixintii saddexaad ee uu soo saaro xafiiska la socodka arrimaha doorashooyinka ee CPA kaas oo ay ku diiwaangelinayeen dhacdooyin kala duwan oo la xidhiidha doorashada, ujeedada diyaarinta warbixinadan ayaa la xidhiidha in xogta doorashada ee u baahan in mudnaan gaar ah la siiyo loosoo bandhigo Xukuumadda, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah.

 

Haddaba qaar ka mida qodobada ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo iyo talooyinka uu soo jeedinayo xafiiska CPA u qaabilsan la socodka arrimaha Doorashooyinka ee EMO.

 

 

DHACDOOYINKA WERWERKA XAMBAARSAN

 

September 6, Kulan dhexmaray ururada bulshada Rayidka ah iyo Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa looga hadlay qodobo kala duwan oo la xidhiidha doorashada. Guddida Doorashadu waxay walaac ka muujiyeen inay mararka qaarkood dhacday, in laamaha ammaanku aanay u fulin sidii loo baahnaa, tallaabooyin ay soo jeediyeen guddida doorashadu, intii lagu guda jiray kaadh-qaadashada codbixiyayaasha, sidoo kale waxaa Guddida Doorashadu ay sheegeen in xukuumadda lafteedu aanay mararka qaar dhaqangelin amaro ka soo baxay guddida doorashada oo ku aaddanaa arrimo xilligaas jiray. Guddida Doorashada ayaa walaac ka muujiyey, ololayaal sharci darro ah oo ay sameeyeen Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye intii ay socotay kaadh-qaadashada codbixiyayaasha.

Intii kulankaasi socday, ayaa Kaltuun Xasan oo ka tirsan Guddida Doorashada, waxay ka hadashay in ururada bulshada rayidka ah qaarkood ay ku lugyeesheen, ololaha xisbiyada qaarkood. Kaltuun Xasan oo arrintaas ka hadlaysa ayaa tidhi:

 

“…Marka laga hadlayo ururada bulshada Rayidka ah, ma jiro shirar la isugu yimaaddo, sidii la isugu iman jiray, ee loola hadli jiray Xukuumadda ama Xisbiyada, iyadoo la dhaliilayo ama la taageerayo, labadaba waa la samayn jiray, taasi iminka ma jirto, horta waa taas la soo celiyaa, sidee ayay ku soo noqon kartaa? Iminka inta halkan [kulanka] fadhida ee ka socota bulshada rayidka ah, waxaan ogahay xubno badan oo xisbiyada dhexdooda ku firfircoon, oo xubno ka ah, oo xisbiyada hormara, oo ololeeya, taasi ma waxay noqonay inaad marna bulshadii rayidka ahayd metesho marna xisbigii, taas markaa kama daacad noqonayno, waa inaynu sideenii hore ku noqonaa, ururada bulshada waa la yaqaanaa role-kooday lahaayeen, keenii horta waa in lagu noqdaa…” [9]

September 10, Xisbiga UCID ayaa ku eedeeyey Waddani iyo Kulmiye, inay samaynayaan ololayaan aan sharci ahayn oo ay ka wadaan qaybo ka mida dalka. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdullaahi ayaa ugu baaqay Guddida Doorashada inay qaadaan tallaabooyin ay wax kaga qabanayaan ololayaasha aan sharciga ahayn ee xisbiyadani wadaan. [8]

September 10, Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayuu digniin u jeediyey, Xaakinnada iyo shaqaalaha kale ee ka tirsan Garsoorka, inay ku lug yeeshaan ololayaasha Xisbiyada, wuxuuna ugu baaqay inay dhexdhexaad ahaadaan.

September 11, Guddida Doorashada ee Somaliland Somaliland ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxayna kala hadleen doorashada iyo weliba adkaynta nabadgelyada xilliga doorashada. Guddida Doorashadu waxay kale oo kulamo kala duwanla qaateen Shirguddoonka labada aqal ee baarlamaanka, Maxkamadda Sare, ururada Bulshada rayidka ah iyo weliba hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya doorashooyinka. [5]

September 11, Xisbiga Waddani ayaa eedayn u jeediyey dalladda SONSAF iyo Akademiyadda Nabadda (APD), waxayna ku eedeeyeen inaanay dhexdhexaad ahayn. Xisbiga Waddani ayaa qoraal ay soo saareen waxay ugu baaqeen Guddida Doorashada, inaan Xisbigoodu ka qaybgelin doonin hawl kasta oo hay’adahani ku lug leeyihiin, oo ay ku jirto arrinta la xidhiidha goob-joogayaasha maxalliga ah ee ka hawl-gelaya doorashada, taas oo SONSAF ay ka masuul tahay.

SONSAF ayaa war ay sii daysay, waxay iskaga fogaysay eedaha uga yimi Xisbiga Waddani, waxay sheegeen inay dhexdhexaad yihiin, isla markaana SONSAF ay leedahay masuuliyadda arrimaha la xidhiidha goobjoogayaasha maxalliga ah ee doorashada ka qaybgelaya. [10] [11]

September 11, Warsaxaafadeed uu soo saaray Xisbiga UCID, waxay ku shaaciyeen inaanay diyaar u ahayn inay la shaqeeyaan Guddi la sheegay inay ka hawlgeli doonto xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka, taas oo SONSAF ay ku martiqaadday xisbiga inuu ka qaybgalo daahfurka Guddidaas Xallinta Khilaafaadka. Xisbiga UCID ayaa ku sababeeyey inaanay ka warhaynin habka guddidan loo aasaasay iyo jidka loo maray. [12]

September 12, Xisbiga Kulmiye ayaa daahfuray barnaamijkiisa siyaasiga ah ee uu dalka ku hoggaaminayo haddii uu guulaysto. Kulanka daahfurka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, iyo masuuliyiin tiro badan oo xisbigaas ka tirsan, waxaana goobtaas lagu qaybiyey illaa 3,000 oo nuqul oo ka mida barnaamijka Xisbiga Kulmiye. [4]

 

September 13, Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in barnaamijkii Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta uu si rasmi ah u soo dhammaaday, waxayna soo bandhigeen qorshayaashooda la xidhiidha doorashada ee bilaha September iyo October.

Guddida Doorashada ayaa digniin u jeediyey Xisbiyadu inay ixtiraamaan xeerarka iyo qawaaniinta doorashada, sidoo kale waxay ugu baaqeen Xukuumaddu inaanay ololaha doorashada u isticmaalin hantida qaranka. Guddoomiyaha Guddida Doorashada ayaa u soo jeediyey xukuumaddu inay Xisbiyada Mucaaradka ah qayb ka siiso warbaahinta dawladda ee ay maamulaan.

Guddida Doorashadu waxay Xisbiyada u soo jeediyeen inay soo gudbiyaan lixda musharax ee doorashada ka qayb gelaya, sida uu dhigayo xeerka Doorashada oo tilmaamaya 45 Maalmood ka hor Doorashada, waxaana xilligaasi ku beegmayaa 29 September 2017. [1]

September13, Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac ayaa dhaleecayn u soo jeediyey hay’adaha Garsoorka, wuxuuna ku eedeeyey inay ku lug yeesheen ololaha doorashada. Xoghaye Barkhad ayaa soo bandhigay Sawiro uu sheegay in laga qaaday mid ka mida Garsoorayaasha oo ku sugan goob olole oo Xisbiga Kulmiye leeyahay. [2]

September 17, Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin ka xukuumad ahaan inay Xisbiyada Mucaaradka qayb ka siiyaan warbaahinta dawladda, xilliga ololaha doorashadu socdo. Wasiirka ayaa sheegay inuu weriyayaal gaar ah u qoondaynayo xisbiyada Mucaaradka xilliga ololaha doorashada. [6]

September 18, Labada Xisbi Mucaarad ayaa ku gacan saydhay hadalka Wasiirka, waxayna sheegeen inaanay ahayn arrin uu ogolaaday Wasiirku balse ay tahay xuquuq ay leeyihiin. [7]

September 19, Waxaa magaalada Hargeisa ka qabsoomay kulan dhexmaray Guddida Doorashada, wakiillo ka socda Xisbiyada, Xukuumadda iyo weliba Saxaafadda. Kulankaas waxaa lagaga hadlayey Xeerka Anshaxa ee xilliga Doorashada. Hase ahaatee labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID oo si wada-jir ah shir jaraa’id u qabtay ayaa ka soo horjeestay arrimo farsamo oo ku hareeraysan dhaqangelinta guddida Anshaxa. Illaa haatan ma jiro heshiis dhamaystiran oo dhinacyada ay khusayso ay ka gaadheen xeerka anshaxa ee saxaafadda kaas oo laf dhabar u ah, in Somaliland ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ahi. [13][14]

 

 

TALO-SOO JEEDIN

 

  • Guddida Doorashada ee Somaliland waxay qabteen kulano kala duwan oo ay la yeesheen Ururada Bulshada Rayidka ah, Hay’adaha Caalamiga ah, Shirguddoonka labada aqal baarlamaan ee Somaliland, Madaxweynaha iyo Maxkamadda Sare. Guddida Doorashada iyo hay’adahaasi waxay ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo caqabadaha taagan. Sidoo kale Guddida Doorashadu waxay ka qaybgaleen barnaamijka Qanci Dadkaaga ee Telefiishanka HCTV, halkaas oo ay si toosa uga jawaabeen su’aalihii dadweynuhu qabeen. CPA waxay soo dhoweynaysaa tallaabooyinkan ay qaadeen guddida doorashada, ee ay xogta kula wadaagayaan dadweynaha iyo hay’adaha kale. Arrintan xog-wadaagistu waxaan u aragnaa inay muhiim u tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah.
  • CPA waxay aaminsan tahay in is-dhegeysiga iyo wada-xaajoodyadu ay yihiin jidadka ugu wanaagsan ee lagu maareeyo is-faham-waaga dhex mara hay’adaha kala duwan. CPA waxay ugu baaqaysaa SONSAF, APD iyo Xisbiga Waddani inay mudnaanta koowaad siiyaan arrimaha doorashada. SONSAF iyo APD waxaa mudan inay dib u eegaan cabashada ka timi Xisbiga Waddani, sidoo kale Xisbiga Waddani waxaan ugu baaqaynaa inuu aqbalo jidadka xalka loogu raadinayo cabashada uu qabo.

 

  • CPA waxay soo dhoweynaysaa go’aanka guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee uu digniinta ku siiyey Garsoorayaasha iyo shaqaalaha Garsoorku inaanay ku milmin arrimaha Xisbiyada. CPA waxay ugu baaqaysaa Garsoorka uu gadhwadeenka ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare inay hoos u eegaan cabashooyinka la xidhiidha xilliga doorashada oo ay ka mid tahay arrinta Xisbiga Waddani.

 

  • Xarunta CPA waxay ugu baaqaysaa, Guddida Doorashada inay dedaal xooggan geliyaan sidii ay isugu keeni lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh Xeerka Anshaxa Saxaafadda. CPA waxay u aragtaa in hab farsamo loo waajaho qodobada dooddu ka taagan tahay, halkii loo eegi lahaa weji siyaasadeed.

GEBA-GEBO

Cabasho kasta oo soo baxda xilliga Doorashada, waxaa habboon in tixgelin gaar ah la siiyo, si loo helo doorasho u dhacda si xor ah oo xalaal ah, CPA waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh doorashada Somaliland oo Xisbiyaduna ka mid yihiin, inaan la iska indho tirin cabashooyinka soo baxa, waana in cabasho kasta lagu dhamaystiraa wadahadal iyo isu-tanaasul.

 

 

Tixraac:

 

  1. https://www.youtube.com/watch?v=AqEp8UroMAU
  2. https://www.youtube.com/watch?v=yOHzeflpE68
  3. http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=209284
  4. https://www.youtube.com/watch?v=CPjxaO0bq2c
  5. http://somalilandtoday.com/nuxurka-kulan-qasriga-madaxtooyada-somaliland-ku-dhex-maray-madaxwayne-siilaanyo-iyo-guddiga-komishanka-qarankasawirro/
  6. https://www.youtube.com/watch?v=mSwp1t7v7wQ
  7. https://www.youtube.com/watch?v=a53rC1m0nlo&t=139s
  8. https://www.youtube.com/watch?v=2ef93RQEir0
  9. https://www.youtube.com/watch?v=D53WaMkStLo
  10. http://waddani-party.org/2017/09/12/xisbiga-waddani-oo-joojiyey-wada-shaqayntii-sonsaf-adn/
  11. https://www.youtube.com/watch?v=dlfEeEnHNB0
  12. https://www.youtube.com/watch?v=ktmwbkP0NKU
  13. https://www.youtube.com/watch?v=42VKnXYrqKQ
  14. https://www.youtube.com/watch?v=yawcKzULMaw

 

 

Ku Saabsan CPA

 

Xarunta CPA waxaa loo aasaasay inay dalalka Geeska Afrika ka caawiso dib u dhiska, nabadaynta, dimoqraadiyadda, iyo Xuquuqda Aadanaha. Xarunta CPA waa magaalada Hargeisa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Address

Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland.

Email: centerforpolicy.ed@gmail.com

Web: www.centerforpolicy.net

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso