Daawo: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Sucuudiga oo amar ku bixiyay in la soo xidho nin dhallinyaro ah oo ku hanjabay in haweenka Sacuudiga ah gubi doono baabuurtooda!!!


Xeer ilaaliyaha guud ee Sucuudiga Sheekh Saciid bin Cabdullaahi ayaa amar ku bixiyay in la soo xidho nin dhallinyaro ah oo muuqaal fiidiyoow ah iska soo duubay isaga oo ugu hanjabaya haweenka Sacuudiga in uu gubi doono baabuurtooda.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Riyadh”, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in aanay oggolaan doonin qof ku xadgudba amniga Sacuudi Carabiya iyo in jahwareeriyo dadka ama in lagu xad gudbo xeerarka.

Waxayna carrabka ku adkeeyeen in Xeer Ilaalinta guud ay ka ciyaari doonto kaalinteeda u adeegidda bulshada iyo in ay ka ilaaliso gacan-ka-hadalka iyo xadgudubka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso