Sheekh Sucuudi ah oo Su`aal La waydiiyey intii aanu Ka Jawaabin TV-ga Sucuudiga oo Hawada Toos ugu Jira Ka Jaray Jawaabtii..Talow Su`aashu Maxay ahayd!

Ka hor inta aanu ka jawaabin Su`aal la Soo Waydiiyey Sheekh Fawzan oo ah Culimada Waaweyn ee Sucuudiga Isaga oo Toos ugu Jira Tv-GA Sucuudiga ayaa Laga Jaray.
Su`aasha ayaa Ahayd “Xukunka dabaaldegga Maalinta Qaranimada “.

Shabakadaha Baraha bulshada ayaa la wareejinayaa fiidyoow muuqaal ah oo muujinaya markii Laga Jaray Su`aasha Jawaabteeda oo uu bixinayo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Culimada Shiikh Saleh Al-Fawzan, Tv-ga Rasmiga ah ee Sucuudiga Kuna Bedeshay Muuqaal kale.

Intii lagu guda jiray martigelinta Al-Fawzan ee barnaamijka fataawaa, waxaa la weydiiyay su’aal ku saabsan sharci ahaanshaha dabaaldegga Maalinta Qaranka marka loo eego mamnuucitaanka dabbaaldegga dhalashada Nabiga.

Sheekada Sucuudiga ah ayaa ku jawaabay “Xujadu maaha tusaale dadka xitaa haddii ay badan yihiin Xujadu waa waxa uu keenay Qur’aanka iyo Sunnahu.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso