500 oo carruur Faransiis ah ayaa ku nool goobaha “Daacish” ee Ciraaq iyo Suuriya

Sarkaal ka Tirsan Madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegay In 700 oo Faransiis ah oo saddex-meelood ay haween yihiin qiyaastii 500 carruur ah oo Faransiis ahi ay ku nool yihiin aagagga ay maamusho ururka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya.

Wuxuu intaa ku daray in badh ka mid ah caruurtaasi ay ku dhasheen Faransiiska guud ahaan 200 ayaa ah muwaadiniin Faransiis ah waxaana laga diley 200 ilaa 300 qof.

Sida wadamada kale ee Yurub Faransiisku wuxuu ka walaacsan yahay sidii loola macaamili lahaa dadka ka soo noqonaya goobaha dagaalka kuwaas oo keenaya caqabado sharci ah oo ku saabsan sida loola macaamilo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Gerard Coulomb ayaa bishii August sheegay in 271 nin oo hubeysan ay ku laabteen Faransiiska baadhitaana ku socda.

Ku dhowaad 1,400 dumar iyo carruur oo ajaanib ah oo ka mida qoysaska Daacish ayaa waxaa qabtay maamulka Ciraaq oo xero gaar ah ku haya ka dib markii ay ciidamada dawladda ka saareen ururka Mosul oo ah xarunteeda ugu weyn ee Ciraaq.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso