Cadar Wax Dilaya oo Suuqyada Masar Galay Cadarkan oo Ruuxa Ku Dilaya Maalmood Gudahood

 

Mas’uuliyiinta Masaarida ayaa ka digay Cadar Wax Dilaya oo la isla dhex wareegayay warkiisa kaas oo la sheegay inuu keenay dhimasho ka dib markii la isticmaalo 3 maalmood.

 


Xukuumada ayaa ka digtay isticmaalka cadar la yidhaahdo “Relax” waxaanao lagu dhejiyey Farmasiiyada iyo dukaamada cadarka iibiya Kaas oo keenaya dhimasho ka dib 3 maalmood isticmaalkiisa.

 
Masuuliyiinta waxay warqad u direen dhammaan Maamulayaasha gobollada iyaga oo waydiisanaya inay sameeyaan olole ay ku baadigoobaan  ayna u soo diraan shaybaadhka si loogu sameeyo Baadhis gaar ah iyo in ay u digaan muwaadiniinta .

Waxaa la go’aamiyey in la sameeyo ololeyaal degdeg ah oo ku saabsan dukaamada hadiyadaha Kuwa Cadarda  iyo Farmasiyada si looga baadho Cadarka Wax Dilaya.


Dhinaca kale dadka isticmaala boggaga Bulashada ayaa bilaabay ololeyaal degdeg ah oo Facebook ah  Si ay ugu digaan Muwaadiniinta Isticmaalka Cadarkans.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso