Abuurista Komishanka BIyayaha Hargeysa Waa Baahida Mudo Dhaaf ah
Axmed Maxaned Diiriye, ahmedmdiriye@yahoo.com
Si caasimadda Somaliland ee Hargeya loogu helo biyo-gelin (Water supply) iyo biyo-qaybin (Water distribution) uu hago qorshe horumarineed oo cilmiyaysan waxaaa ila haboon in la sameeyo Komishanka Biyaha Hargeysa, oo xubnihiisa lagu soo qaabka loo xulo Komishanka Doorashooyinka, si uu hawlihiisa ugu madax-banaanaado, isla markaan loo hagi karo baahidda jirta. Waayo, xogta soo ku cad oo lagu soo saaray sahan cilm-baadhiseed oo magaalada Hargeysa laga sameeyay, horaantii Sebtember, 2017 ayaa muujinaysa baahida loo qabo fulinta taladdaas.
Magalaada Hargeysa oo lagu qiyaaso inay 120,000 qoys degen ayuu sahankani 800 qoys uga dhex-doortay si qori-tuur ah (Random selection); ka dibna qoyskiiba laag waraystay hal qof. Lafo-gurka xogta sahankan ayaa tibaaxday in 31% ka mid ah qoysaska Hargeysa degeni ay helaan biyaha qasabbadda, taaso u dhiganta inay 37,000 qoys ku tiirsan yihiin Wakaalaad Biyaha Hargeysa. Halka ay 75,000 qoys (62%) biyaha ka iibsadaan booyado; isla markaana ay 8,000 (7%) qoys aanay awoodin iibsadaan biyo aan ahayn kuwa gaadhi dameerka lagu wareejiyo iyo jirikaamo ay haweenka iyo caruurtu soo dhaamiyaan..
Haddaba, haddii 300,000 mitir kuyuubik ee ay wakaaladdu bishiiba soo saarto loo qaybiyo dadka Hargeysa degen, iyaddoo qoyskiiba la siinayo 8 mitir kuyuubik; waxay la mid tahay inay Wakaaladda Biyaha Hargeysa biyo siiso 37,500 qoys. Taasoo la mid ah qiyaasta uu sahankani soo saaray.
Dhinaca degsiimooyinka,m sida ku cad shaxda hoose, 80% ka mid ag qoysaska degen Juun iyo Koodbuur ayaa hela qasabadaha ee Biyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Dhinaca kalena degsiimooyinka Axmed Dhagax, Gacan Libaax, iyo Maxamuud Haybe 30% ayaa biyo ka hela Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Halka degsiimooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Maxamed Mooge aany ciddiba biyo ka helin Wakaaladda Biyaha Hargeysa. ,
Wakaaladda Biyaha Hargeysama ma waxay shaqo iyo wax-qabad u haysataa in biilasha biyaha la ururiyo oo qoyska danyarta ah ee bixin waaya biyaha laga gooyo. Kharash mooyaane wax kale kuma soo kordhiso Hargeysa iyo Somaliland toona. Taas waxaa cadayn u ah, wakaaladdani waxay jirtay 50 sanadood, ilaa maantana 16ka ceel ee ay maamusho 8 Shiinaha ayaa sameeyay 1972, halka 8 kalena Shiinuhu sameeyay 1982. Maantana, hay’addo caalami ah ayaa inagu caawiyay mashruuca biyo-gelinta ee Xumba Weyne iyo Jaleelo. Taasi waxay la mid tahay 50 sanaddood inaanay wakaaladdani ku fekerin inay hal ceel ku qoda qorshe, maskax, muruq, iyo maal ay wakaaladdu leedahay; iyaddoo uu maalintiiba soo galo dakhli lacageed oo dhan $10,000 (10,000 mitir kiyuubik biyo ah oo min hal doolar ah). Sidda awgeed, waxaa ila haboon in Hargeysa loo sameeyoi komishan ay xubno ka yihiin masuuliyiin karti, aqoon, daacadnimo lagu soo xulay, oo madax banaan oo la mid ah kan doorashooyinka.