Xaflad Lagu Sagootinaayey Ardaydii Dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo Dhexe Degmada Cadaadley Oo Lagu Qabtay Xarunta Degmadaas

Cadaadley (ToggaHerer)-Xaflad balaadhan oo lagu Sagootinaayey Ardaydii sanadkan dhamaysatay Dugsiga Sare ee Degmada Cadaadley iyo Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Cadaadley ayaa lagu qabtay Xarunta Degmada Cadaadley. Xafladan oo ahayd mid lagu dhiirigalinaayey isla markaasina lagu abaalmarinaayey Ardaydii Kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ayaa waxa soo qabanqaabiyey Ururka Horumarinta Deegaanada Sabawanaag iyo Cadaadley ee Siig Org.

Xafladan oo ahayd mid si heer-sare ah loosoo agaasimay ayaa waxa ugu horayn faahfaahin ka bixiyey ujeedada loosoo agaasimay Gudoomiyaha Ururka Siig Org Md. Cismaan Maxamed Cali oo si qoto dheer uga waramay muhiimada ay leedahay waxbarashadu iyo sida ay ka Urur ahaan ugu heelan yihiin dhiirigalinta Ardayda u baranaysa Deeganka Cadaadley iyo Sabawanaag oo uu Ururkoodu ka hawl galo, Gudoomiye Cismaan ayaa sidoo kale Ardayda Dugsiyada Cadaadley ka qalinjabisay ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay waxbarashada wadeen isagoo sidoo kale xusay qabado badan oo deegaan ahaan ka koryimaada Ardayda iyo macalimiinta Dugsiyadan Cadaadley.

Xafladan oo ahayd mid kulmisay haldoor iyo masuuliyiin badan oo kasoo jeeda deegaanka Cadaadley ayaa waxa sidoo kale madasha hadalo mahadnaqa kasoo jeediyey, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac Aw Xoog,Gudoomiyaha Degmada Cadaadley Cumar Nuur Xuseen, Maamulaha Dugsiga Sare Ee Cadaaley Md.Rashid Dhamac , Maamulaha Dugsiga H.Dexe Ee Cadaadley Md.Xuseen Sooraan, Gudoomiyaha Samatalis Gud. Ahmed Ali Ileeye iyo Marwo Kowsar Maxamuud Xasan Qubqac iyo Marwo Aniisa Casayr Diiriye oo ka tirsan Hogaanka Garabka Haweenka ee Ururka Siig

Advertisement

Ku Xayeysiiso