Maanta Bulshadu Waxay Doonaysaa Maamul Wanaag, Waxay Doonaysaa Adeeg Hufan Oo Dadka La Gaadhsiiyo, Waxaynu Illaahay Ka Baryeynaa Isbadal Khayr Qaba ” Musharax Cabdiraxmaan Cirro

“Maanta Bulshadu Waxay Doonaysaa Maamul Wanaag, Waxay Doonaysaa Adeeg Hufan Oo Dadka La Gaadhsiiyo, Waxaynu Illaahay Ka Baryeynaa Isbadal Khayr Qaba” Musharax Cabdiraxmaan Cirro 

Hargeysa, (ToggaHerer ) Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu saxeexay xeerka anshaxa Asxaabta isla markaana ka xisbi ahaan ay ixtiraami doonaan.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa sidoo kale tilmaamay in yoolka xisbiga Waddani uu yahay sidii bulshada Somaliland loogu soo celin lahaa adeegyada aasaasiga ah oo bulshadu ay u baahan tahay maamul wanaag  iyo adeeg hufan oo dadka la gaadhsiiyo, waxaanu illaahay ka baryey isbadal khayr qaba.

Musharax xisbiga Waddani, Cabdriaxmaan Ciro waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad balaadhan oo maanta xisbigiisu u qabtay Taageerayaal tiro badan oo ka soo guuray xisbiga Kulmiye, kana soo jeeda beelaha Baha Dukhsi ee Ciidagale.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), Murashaxa Xisbiga Waddani waxa uu khudbadiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxa runtii sharaf weyn noo ah in munaasibadan sida weyn loo bilay ee loo qurxiyey ee looga shaqeeyey ee beelweyntu ku dhantahay, siyaasiyiintii, xildhibaanadii golaha deegaanka ee salaxlay labada xildhibaan oo midkood waliba macalin ii ahaa aadbaan usoo dhaweynayaa.

Waxay ila tahay beesha magaceedu tiro badnaan ayuu sheegayaa, dukhsiga tiradiisa cidi ma taqaanoo markaa tiro badnaan ayay sheegaysaa markaa beeshaa tirada badan ee cududa badan ee codka badan ee midaysan caaqilkeeda, Suldaankeeda iyo Siyaasigeeduba aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay inay cududooda maanta ku taageerto isbadalka dhamaan shacbiga Somaliland doonayo oo ah in isbadal yimaado lanada badalo xisbiga Kulmiye.

Waxaynu Illaahay ka baryeynaa in isbadal khayr qaba inooga dhigo, waynu tartamaynaa doorashaynu diyaar u nahay, waxaanu leenahay aynu tartano asxaabta kale, waxaynu doonaynaa garoon siman inaynu ku tartano, waxaan ku bogaadinaynaa in Komishanka Doorashooyinku uu inoo salaxo garoonkaas, inta inoo hadhay ee qabyada ahna qabya tiro.

Maanta Komishanka Doorashooyinku wuxuu u yeedhay murashaxiintii saddexda xisbi wuxuu soo siiyey shahaadadii Musharaxnimada inay yihiin musharaxiin rasmi ah oo buuxiyey shuruudihii laga rabay, waxa inoo hadhay waa maalmo yar, waa afartan maalmood wixii la tiriyaaba way dhamaanayaan barito, waxaynu u baahanahay inaynu u diyaargarowno. Komishanku waxay soo saari doonaan jadwalka aynu ku galayno ololaha (campaign-ka).

Maanta waxa aanu saxeexnay xeerka anshaxa asxaabta, Komishanku waxay ku adkeeyeen asxaabta in la joojiyo socodka ilaa ololaha la fasaxayo in socodka u muuqday ololaha la joojiyo in calamada la joojiyo balse goobahan ay dadku ku soo biirayaan xisbiga waa la ogol yahay ee hudheelada lagu qabanayo ee xafiisyada lagu qabanayo laakiin socodkii badnaa iyo soo dhaweyntiiba ha la joojiyo ayay yidhaahdeen, waynu saxeexnay markaa waxaynu u baahanahay inayu ixtiraamno hadii alle ka dhigo, dhamaan taageerayaasheenana waynu ku wargalinaynaa inaynu ixtiraamno wixii aynu saxeexnay, Waxa aynu doonaynaa in inagu aynu horseed u noqono wixii aynu saxeexnay inaynu fulino hadii Illaahay ka dhigo.

Waxaynu doonaynaa dawlad wanaagsan oo sharciga ku dhaqanta inaynu dhisno.

Maanta bulshadu waxay doonaysaa maamul wanaag, waxay doonaysaa adeeg hufan oo dadka la gaadhsiiyo waxyaabaha aasaasiga ah ee biyuhu ka mid yihiin ee caafimaadku ka mid yahay ee waxbarashadu ka mid tahay ee shaqo abuurku ka mid yahay intaaba barnaamijka siyaasiga ee xisbiga ayay ku cadyihiin hadii illaahay ka dhigo.

Waxaynu leenahay yool, yoolkeenu waa in umadda noloshii aasaasiga ahayd loo soo celiyo, waxaynu ka bilawnay ciidamada oo aynu ognahay xaalada ay ku jiraan oo ninka askariga ah iyo reerkiisii isaguna Laascaanood ayuu joogaa xaaskiisii ama reerkiisiina Hargeysa ama Burco ayay joogaan.

Mushaharka uu qaato aad garanaysaan, markii madaxda xisbigu taas ka fikirtay waxay soo jeediyeen in 250% loo kordhiyo ciidamada qaranka, waxa xisbigu soo jeediyey inagoo ka warqabna shaqada weyn ee ay qabtaan cuqaashi, waxa la yidhi sodon dollar ama afartan dollar ayay qaataan, way soo jeedaan habeen oo dhan reeraha ayay heshiisiiyaan magahay u kala qaadaan, khilaafaadkay xalilaan intaasi miyey u noqonaysaa waxtar, cuqaashana waynu ku daraynaa dadka aynu doonayno in boqolkiiba boqol 100% u kordhino mushaharada hadii alle ka dhigo.

Waxaynu ognahay Iskuuladii dawladu way xidhmeen, macalimiintii tayada lahaa way ka yaaceen, maxay uga yaaceen, waxay uga yaaceen mushahar yaraan, Iskuulo badan oo aanu soo marnay oo ka furan gobolada dadka deegaanka ayaa mushaharada siiya, Mushaharka dawlada (payroll-ka) kumaba jiraan, macalimiintii aan payroll-ka ku jirin waanu ku daraynaa boqolkiiba boqol 100% mushaharada macalinka waa loo kordhin doonaa hadii illaahay ka dhigo” Ayuu yidhi Murashax Cabdiraxmaan Ciro.  

Advertisement

Ku Xayeysiiso