Tooriyeyn Iyo Gaadhi jiidhsiin ka Dhacday Canada +Calanka Daacish oo Saarnaa Gaadhiga Weerarka lagu qaaday!!

Booliska Canada ayaa sheegay in habeenkii xalay magaalada Edmonton wuu darawal weeraray Askari Boolis ah ka hor intuusa kaxaysan baabuur cad oo si ula kac ah u jiidhsiiyey dad lugaynayay Badhtamaha Magaalada.
Warbaahinta maxalliga ahi waxay soo warisay in afar qof ay ku dhaawacmeen waxayna  intaa ku dareen  in ninka weerarka soo qaaday  uu calanka Daacish uyaalay Kurisga hore.

Rod Knic Afhayeenka Booliska  oo saxaafada kula hadlay Magaalada ayaa sheegay in la xidhay Ninkii weerarka ahaa Waxaana loola macaamilayaa dhacdada fal argagixiso, Waxa uu carabka ku adkeeyay in dhaawaca askariga bilayska aanu weynayn.

Rudd ayaa sheegay in bilowga baadhitaanku  muujinayo in Ninka Weerarka Geystay uu kali ku ahaa falka.
Waxa kale oo uu xaqiijiyay warkii warbaahinta maxaliga ahi  soo warisay ee ahaa  in laga helay calanka Daacish  gaadhiga weyn waxaanu aha  gaadhi cad.

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso