Booliska Canada: Ninkii Fuliyey Weerarkii Edmonton waa Soomaali!!

Booliska Canada ayaa sheegay ninka ku eedeysan loona xidhay weerarkii argagixisanimo ee habeenkii Sabtida ee magaalada Edmonton uu yahay Soomaali Magangalyo doona ah, sida uu sheegay bilayska Canada.

Bilayska ayaa diiday inuu sheego magaciisa laakiin wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta ay baadhitaan ku sameeyeen sannadkii 2015, iyaga oo sheegay in uu qaatay fikradda xagjirnimada kadibna ay go’aansadeen inuusan ahayn khatar.

Dhinica kale shabakadda “CBC” wakaaladda wararka Canada ayaa sheegtay in eedaysanaha lagu magacabo Cabdullaahi Xasan Shariif iyaga oo ka soo xigtay xigtay ilo dhawr ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso