Madaxweynaha Catalonia: Waxaan ku guuleysanay dhisidda dowlad madaxbannaan

Gobolka hadda waxa uu xaq u leeyahay “Dawlad Madaxbannaan” ka dib markii afti lagu ansixiyay Dawlad Madaxbanaan Madaxweynaha dawladda Catalonia Carlos Bagdemont, ayaa sidaas yidhi.

Aftida ayaa loo arkaa inay tahay fursad lagu aqoonsado madax-bannaani si keli ah.
Masuuliyiinta maxalliga ah ee Catalonia ayaa sheegay in boqolkiiba 40 dadweynaha gobolka ay ka qaybgaleen aftida iyaga oo sheegay in boqolkiiba 90 ay u codeeyeen in ay ka Gooni isaga taagaan Spain.
Boqollaal ayaa ku dhaawacmay markii ay booliska Spanishka soo farageliyeen si ay uga hor tagaan codka Axaddii.

Bilayska ayaa ka hor istaagay muwaadiniinta inay codkooda ka dhiibtaan, iyo waraaqaha cod-bixinta iyo sanduuqyada cod-bixinta ee xarumo badan.

“Xukuumaddaydu waxay u gufbin doontaa maalmaha soo socda natiijada aftida baarlamaanka Catalan oo matalaya madax-bannaanida dadka  si go’aan looga gaadho aftida, Midowga Yurubna dib uma celin karo,” ayuu yidhi Madaxweynaha Catalonia.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso