Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo kulan Taageero la Qaatay Guddiyada iyo Hormoodka Beelaha Haashim

Hargeysa (ToggaHerer)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo taageero lagu siinayey la qaatay guddiyada iyo hormoodka beelaha Haashim (Arab) ee Somaliland.


Kulankan oo ka dhacay guriga guddiga odayaasha beelaha Haashim maanta, waxa ka qaybgalay guddiga odayaasha dhaqanka, guddiga dhallinyarada, guddiga haweenka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha, waxa kaloo goob-joog ku ahaa Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, xubnaha wasiirrada xukuumadda ugu jira beesha iyo xildhibaannada golayaasha Baarlamanka iyo deegaanka.


Ujeeddada kulanka oo la xidhiidhay is xog-waraysi iyo wacyigelinta ku saabsan dardargelinta iyo u diyaargarowga doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 13-ka bisha November 2017, waxa si buuxda loogu taageeray murrashax Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE oo waxgaradka iyo hormoodka ka qaybgalay ay isku raaceen inay si hagar la’aan ah hiil iyo garaba u siinayaan murrashax Muuse Biixi oo ay u arkaan inuu yahay hoggaamiyaha keliya ee ku habboon madaxtinimada waddanka xilligan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso